Dowladda Soomaaliya & Somaliland oo siyaabo kala duwan uga hadlay geerida hooyo umull ahayd oo isku dishay isbitaalka Hargeysa

Masuuliyiinta qeybta caadfimaadka ee Isbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay geerida haweeney lagu magacaabi jiray Nimco Jaamac Yuusuf, oo ku geeriyootay isbitaalka, iyada oo sheegay in hooyadu aysan qabin wax dhibaato caafimaad ah intii ay isbitaalka ku jirtay.

Agaasime-ku-xigeenka Isbitaalka Dr. Cabdiraxmaan Cayngal oo ka hadlay dhacdada ayaa sheegay in hooyadu ay isku daldashay masarkeeda, lagana helay maydkeeda qeybta dambe ee Isbitaalka.

“Abaaro subaxii hore, hablaha shaqaalaha ah ee Nadaafadda ayaa qeyb dambe oo Isbitaalka ah ku arkay hooyadii oo geeriyootay oo isku xirtay Masarkeeda” ayuu yiri Dr Cayngal.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in wax dhib ah oo kale aanu Isbitaalka ka ogeyn xaaladda Hooyada, isaga oo tilmaamay in si caadi ah u dhashay, balse ilmaheeda ay soo wajahday xaalad caafimaad oo u baahatay in oksijiin lagu xiro, taasina ay sababtay in ilmaha loo wareejiyo qaybta carruurta. Wuxuu intaas ku daray in hooyadu isbitaalka ku jirtay muddo 7 maalmood ah, iyadoo ay la joogeen eheladeeda labada dhinac ee qoyska.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga hadashay geerida haweeneyda, iyadoo Wasaaradda Qoyska ay sheegtay inay aad uga tiiraanyeysan tahay dhacdada.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in marxuumaddu ahayd sida hadalka loo dhigay hooyo dadka deegaanka oo ay tilmaameen in xaaladda dhaqaale iyo caqabado la xiriira helitaanka adeegyada caafimaadka iyo daryeelka ay kamid ahaayeen duruufihii ku xeernaa dhacdada.

Wasiirka Qoyska Khadija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa ugu baaqday bulshada in laga shaqeeyo sidii hooyooyinka iyo dadka nugul ay u heli lahaayeen adeegyo caafimaad iyo daryeel ku filan.

“Waxaan si aad ah ugu boorineynaa guud ahaan Soomaalida meel walba oo ay joogaan in aynaan ogolaan sii socoshada xaaladaha noocaan ah ee aan ku weynayno hooyo, taas oo ah wax aad iyo aad uga fog bani’aadannimada,” ayay tiri Wasiiraddu.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in dhacdadu tahay mid naxdin leh oo taabanaysa damiirka bulshada, iyadoo Alle uga baryey marxuumadda inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed