Dowladda Soomaaliya oo shaacisay natiijada Imtixaanka qaranka oo ay tiradii ugu badneyd ka gudubtay

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada Imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2025/26, kaas oo ay u fariisteen 42,916 arday. Guud ahaan, waxaa ku guuleystay 40,037 arday, taas oo u dhiganta 93%, halka 2,879 arday ay ku hareen imtixaanka.

Kulanka lagu shaaciyey natiijada maanta oo ka dhacay Muqdisho ayaa Wasaaradda sheegtay in qaar ka mid ah ardayda aysan imtixaanka u fariisan sababo la xiriira duruufo dhinaca amniga ah, kuwaas oo dib looga qaadi doono imtixaanka. Meelaha qaar ayaa waxaa ka dhacay in maadooyin laga baabi’iyo arday lagu eedeeyey inay ku xadgudubtay xeerarka imtixaanka,taasi qayb ka ahayd natiijada la shaaciyay.

Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay in si degdeg ah imtixaan looga qaadi doono ardaydii duruufaha uga baaqatay, isaga oo bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed oo ka qeyb qaatay daboolidda kharashaadka imtixaanka.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in sannadkan aan baraha bulshada lagu faafin imtixaanka ka hor waqtigiisa. Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in dowladda ay imtixaanka ku bixisay lacag dhan $1,268,619, taas oo uu xusay inay tahay canshuurta shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu intaas ku daray in ardayda haysta aqoonsiga qaran oo ay bixiyo hay’adda NIRA aysan hadda u baahnayn inay xarunta Wasaaradda u tagaan shahaadada, balse ay si danabaysan (Online) ah uga heli karaan meel kasta oo dalka ka tirsan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyay ardayda natiijada maanta heshay, gaar ahaan 3-da arday ee kaalinta hore galay iyo waalidiintooda oo uu wacay.

Kaalinta 1-aad ee imtixaanka waxaa sanadkan galay ardayda wax ku bartay Gobolka Banaadir.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed