Ku dhowaad 700 Soomaali ah oo ku nool Mareykanka ayaa wajahaya in laga tarxiilo dalkaasi, kaddib go’aan meesha ka saaray caqabad hor taagneyd maamulka Madaxweyne Donald Trump oo doonaya inuu joojiyo sharciga ku-meel-gaarka ah ee loo yaqaan TPS ee ay Soomaalidu ku joogaan dalkaas.
Garsoore federaal ah oo ku sugan gobolka Massachusetts ayaa Jimcihii sheegtay in go’aan dhowaan kasoo baxay Maxkamadda Sare uu xaddiday awoodda Maxkamaddu ay u leedahay inay sii hor istaagto qorshaha Waaxda Amniga Gudaha ee lagu joojinayo nidaamka TPS-ka ee Soomaalidu ku joogto Mareykanka.
Garsoore Allison Burroughs ayaa sheegtay in Soomaalida dacwadda gudbisay ay soo bandhigeen doodo xooggan, oo ay ku jirto inay la kulmi karaan “waxyeello aan la soo kaban karin” haddii la laalo nidaamka TPS. Hase yeeshee, waxay sheegtay inay ku qasban tahay inay raacdo go’aanka Maxkamadda Sare.
Maxkamadda Sare ayaa kiis kale oo khuseeyay muwaadiniin Haiti iyo Suuriya u dhashay ku go’aamisay in garsoorku aanu awood u lahayn inuu dib u eego go’aanka dowladda ee joojinta ilaalinta ku-meel-gaarka ah.
Soomaaliya waxaa TPS loo oggolaaday markii ugu horreysay 1991 sababo la xiriira dagaallada iyo amni-darrada. Maamulkii Joe Biden ayaa 2024 dib u kordhiyay ilaalintaas, isagoo sabab uga dhigay colaadaha weli ka socda Soomaaliya.
Garsoore Allison ayaa sidoo kale sheegtay in dacwoodayaashu keeneen caddeymo xooggan oo ku saabsan hadallo cunsuriyad xambaarsan oo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Trump u jeediyeen Soomaalida.
HBN Online TV

