Golaha Mustaqbalka oo si adag uga hor yimid doorashadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeestay doorashadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn sharciga iyo dastuurka dalka sida hadalka ay u dhigeen.

War-saxaafadeed kasoo baxay Mucaaradka ayaa lagu sheegay in goluhu “si adag u cambaaraynayo, una diiddan yahay” waxay ugu yeereen “doorasho-ku-sheeg” Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday”,sida hadalka loo dhigay.

Sidoo kale, Golaha ayaa sheegay in muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku ekaa 14-kii Abriil 2026, sidaas darteedna uusan Baarlamaanku haysan sharciyad dastuuri ah iyo mid siyaasadeed oo uu ku dooran karo guddoomiye cusub, inkasta oo dowladdu raacday dastuurka cusub ee baarlamaanku ansixiyey.

Golaha ayaa Madaxweyne Xasan Sheekkh Maxamuud ku eedeeyay inuu si gaar ah u maamulayo sida hadalka loo dhigay hannaanka doorashooyinka iyo in uu doonayo in gacanta ku dhigo hannaanka doorashada, kaasi oo hor istaaga sida ay hadalka u dhigeen tartamayaasha awoodda leh.

“Habkii uu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ugu takrifalay doorasho-ku-sheeggaan wuxuu tusaale cad u yahay qorshaha uu doonayo in uu ku maareeyo doorashooyinka soo socda ee Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha, taasoo uu doonayo in uu gacanta ku dhigo hannaanka doorashada, hor istaago tartamayaasha awoodda leh, natiijadana horay loo sii jaangooyo”ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Mustaqbalka.

Bayaanka ayaa la sii raaciyey “Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu mar kale adkaynayaa in khilaafka doorashooyinka Soomaaliya aan lagu xallin karin tallaabooyin hal dhinac ah, ku-takrifal awoodeed iyo hannaan natiijadiisa horay loo sii go’aamiyey. Jidka keliya ee lagu soo celin karo sharciyadda dastuuriga ah iyo kalsoonida siyaasadeed waa heshiis loo dhan yahay oo saldhig u noqda doorasho heshiis lagu yahay, laguna kalsoonaan karo hannaankeeda iyo natiijadeeda”.

Ugu dambeyn waxay dooda ku sheegeen in Muddo-xileed dhammaaday uusan dhalin karin muddo-xileed cusub sida hadalka ay u dhigeen, halka ay doorashada ay ku tilmaameen mid la boobay oo ay dhalin karin sharciyad cusub.

HBN ONILNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed