Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) u doortay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, kadib doorasho ka dhacday xarunta Golaha ee Villa Hargeysa. Jaamac ayaa xilka kula tartamay Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada).
Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa ku dhawaaqday natiijada doorashada, iyadoo sheegtay in Jaamac uu helay 142 cod, halka Daada uu helay 30 cod, waxaana halaabay 2 cod.
Codeynta ayaa waxaa ka qeyb galay 174 xildhibaan, waxaana Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) isla goobta loogu dhaariyay xilka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, isagoo hadda si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Golaha.
Jaamac ayaa xildhibaanada u jeediyay khudbad u jeediyey golaha ayaa sheegay inuu isaga tagay dhammaan xilalkii kale ee dowladda, kana baxay xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP.
“Waxaan idiin cadeynayaa inaan ka tagay xil walba oo aan u haayey xukuumadda, urur siyaasadeedkeeda JSP, si waafaqsan qodobka 86-aad, farqadda 2-aad dastuurka JFS iyo qodobka 13-aad, farqadiisa 9-aad, xeer hoosaadka golaha shacabka ee nidaaminaya doorashooyinka guddoonka golaha si aan u ilaaliyo dhexdhexaadnimada, waajibka dastuurkiga ah ee guddoonka golaha” ayuu yiri gudoomiye Jaamac.
HBN ONLINE TV

