Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeellanaya fadhi xasaasi ah oo lagu dooranayo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo kulanka uu ka dhacayo xaruntiisa Villa Hargeysa.
Doorashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Golaha Shacabka ay ka taagan yihiin dood iyo kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo la xiriirta hannaanka doorashada iyo jihada siyaasadeed ee dalka.
Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa u tartamaya Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada) iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Labada musharrax ayaa Sabtidii guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonsiiyay shahaadooyinka rasmiga ah ee xaqiijinaya ka-qaybgalka tartanka.
Doorashada ayaa noqonaysa mid cod qarsoodi ah, waxaana labada musharrax ay kasoo wada jeedaan gobolka Bakool. Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Baarlamaanka ku matala degmada Waajid, halka Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada) uu matalo bulshada degmada Tiyeeglow.
Musharraxa ku guuleysta doorashada ayaa noqon doona Guddoomiyaha 8-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2000, isagoo xilka kala wareegaya Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo xilka Guddoomiyaha ka degay kadib markii loo doortay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

