Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa maalinta berri ah inuu yeesho fadhi xasaasi ah oo lagu dooran doono Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo kulanka uu ka dhacayo xaruntiisa Villa Hargeysa. Doorashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Golaha ka taagan yihiin dood iyo kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashada.
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta kormeer ku tagtay goobta loo diyaariyey doorashada, waxaana ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Cabdullaahi Cumar Abshirow & Guddiga Doorashada,
Mas’uuliyiinta ayaa hubiyey diyaar-garowga goobta, nidaamka cod-bixinta, agabka doorashada iyo habraacyada loo diyaariyey xildhibaanada ka qaybgalaya. Sacdiya Yaasiin ayaa ku adkaysatay in doorashadu u dhacdo si hufan, caddaalad ah oo xasilloon, iyadoo la raacayo xeerarka iyo habraacyada Golaha Shacabka.
Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa u tartamaya Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada) iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyadoo Jaamac la sheegay inuu taageero ka helayo madaxtooyada Soomaaliya.
Natiijada doorashada berri ayaa laga filayaa inay go’aamiso cidda hoggaamin doonta Golaha Shacabka, xilli dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo muhiim ah oo la xiriirta doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.
Dhanka kale, Mucaaradka ayaa weli walaac ka muujinaya hannaanka doorashada, waxaana la filayaa in sida ay uga qaybqaataan codbixinta ay saameyn ku yeelan karto natiijada doorashada, inkasta oo qaar kamid ah diideen.
Xildhibaanno ka mid ah mucaaradka Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id, iyaga oo sheegay inay ka horjeedaan doorashada. Waxay ku doodeen doorashada natiijadeeda horay loo sii ogyahay sida ay hadalka u dhigeen.
Xildhibaan Yuusuf Gama’diid iyo xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo hadlay doorashada berri ayaa sheegay in doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay la mid tahay sida ay hdaalka u dhigeen doorashooyinkii ka dhacay qaar ka mid ah gobollada dalka, isla markaana musharrixiintii mucaaradka loo diiday inay tartamaan. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Madaxtooayda Soomaaliya inay faragelin ku hayso hannaanka doorashada.
HBN ONLINE TV

