Puntland sheegtay inay la wareegtay Saldhigii 3-aad ee Ciidamada ka soo horjeeda maamulkeeda

Maamulka Puntland ayaa maanta ku shaacisey in ay la wareegtay xero ciidan oo taaalla degmada Carmo ee Gobolka Bari, kadib markii ay saacado kooban u qabatay ciidamada goobahaaas ku sugnaa inay isku soo dhiibaan, balse la soo tabiyey inay isaga bexeen.

Warka soo baxay taliska Booliska Puntland ayaa lagu yiri “Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay talis ciidan oo ku yaalla magaalada Carmo, kaas oo ay hore u deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan kuwaas oo degaannada Puntland ka waday falal lagu khal-khalgalinaayo amniga iyo xasiloonida bulshada”.

Sidoo kale, warka ayaa la sii raaciyey in la wareegista taliska ay qayb tahay sida hadalka loo dhigay “tallaabooyinka ay Puntland ku xaqiijinayso amniga, kala dambeynta iyo awoodda hay’adaha dowliga ah ee deegaannada Puntland”.

Dhanka kale, maamulka ayaa ku goodiyey inay sii wadi doono talaabooyinka ay go’aankeeda kaga hirgalin doonto deegaanada ay maamusho, iyada oo fartay ciidamada ka soo horjeeda inay isu soo dhiibaan laamaha amniga.

“Ciidamada Puntland ayaa si buuxda ula wareegay xarunta, waxaana la xaqiijiyey amnigeeda iyo maamulka goobta, iyadoo la faray dhammaan dhinacyada hubaysan inay u hoggaansamaan hay’adaha sharciga ah ee Dawladda Puntland. Puntland waxay caddeyneysaa inay sii wadi doonto tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga iyo ilaalinta shacabka, iyadoo dhammaan hawlgallada lagu fulinayo si waafaqsan sharciga iyo Dastuurka Puntland” ayaa lagu sii yiri warka puntland.

La wareegistan xeradan ciidan ayaa ka dhigaysa Puntland in gacanta ku dhigto xaruntii 3-aad oo laba kamid ah ay kala wareegtay ciidamada PSF oo ku yaallaGaalkacyo iyo Boosaaso.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed