NISA oo sheegtay inay qabatay Shabakad falal amni darro la damacsaneyd Muqdisho

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay 9 xubnood oo ay ku tilmaantay inay ahaayeen shakabad Alshabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen falal amni-darro oo ka dhaca magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.

War saxaafadeed ay soo saartay hay’adda ayaa lagu sheegtay in xubnahan lagu qabtay howlgallo ka dhacay degmooyinka Garasbaaley iyo Kaxda, iyo sidoo kale xaafado ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha.

Sida ay NISA sheegtay, 4 ka mid ah dadka la qabtay ayaa ahaa shabakad isku xiran oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen falal ay ku dhibaateynayaan shacabka, isla markaana lagu qalqal gelinayo amniga iyo xasilloonida caasimadda sida hadalka loo dhigay.

Hay’adda ayaa sheegtay in sirdoonkeedu muddo si dhow ula socday dhaq-dhaqaaqyada iyo qorsheyaasha xubnahan, iyadoo baaritaanno iyo xog-ururin kaddib lagu guuleystay in mid kasta lagu qabto goobtii uu ku sugnaa. Waxaa ay sheegtay in dadka la qabtay ay hadda ku socdaan baaritaanno, hakla marka baaritaannadu soo dhammaadaan loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka si loo waafajiyo sharciga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed