Xukuumadda Soomaaliya oo fartay masuuliyiinta dowladda in Baasaboorka dalka ay ku socdaalaan

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ee maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho kaga hadlay arrimo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyadoo sidoo kale diiradda lagu saaray dib-u-habeynta iyo casriyeynta baasaboorka dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan horumarka laga sameeyay qorshaha casriyeynta baasaboorka Soomaaliya. Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in gebi ahaanba la joojiyay wax ka beddelka xogta shakhsiga ah ee baasaboorka, si loo xoojiyo kalsoonida iyo sumcadda uu ku leeyahay caalamka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa kulanka ka sheegay in dhammaan wasiirrada iyo masuuliyiinta sare ee dowladda looga baahan yahay inay safarradooda ku isticmaalaan baasaboorka Soomaaliya, si loo ilaaliyo sharafta iyo karaamada masuuliyiinta dowladda iyo sumcadda baasaboorka qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale bogaadiyay Ku-xigeenkiisa Labaad, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo toddobaadkan dib u celiyay baasaboorkii iyo dhalashadii uu ka haystay dalka Kenya, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid muujinaysa daacadnimo iyo kalsooni lagu qabo baasaboorka Soomaaliyeed.

Go’aankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay ku doonayso sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya inay kor ugu qaaddo sumcadda baasaboorka dalka iyo kalsoonida lagu qabo dukumentiyada rasmiga ah ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed