Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Islamabad kulamo kala duwan kula yeeshay madaxda sare ee ciidamada Pakistan, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga iyo dhismaha awoodda Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya, si gaar ah kuwa cirka & helista dhismahooda.
Intii uu ku jiray booqashada, ayaa bayaanka ay soo saartay wasaaraddu lagu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo Ciidanka Cirka Pakistan, si kor loogu qaado awoodda milatari, tababarrada xirfadeed, horumarinta tayada ciidamada, adkeynta amniga gobolka iyo taageeridda nabad waarta.
Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa isu maray Talisyada guud Ciidanka Dhulka iyo Badda, Xarunta shirkadda Global Industrial & Defence Solutions (GIDS) oo ah shirkadda ugu weyn ee Pakistan u qaabilsan suuq-geynta iyo dhoofinta qalabka difaaca, iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka Pakistan.
“Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga, horumarinta awoodaha ciidamada iyo sidii Soomaaliya uga faa’iidaysan lahayd khibradaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee shirkaddu leedahay” ayaa lagu yiri warka wasaradda gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Safarku imaanayaa, iyada oo labada dowladood si rasmi ah qalinku ugu duugeen heshiis rasmi oo ku saabsan difaaca iyo tababaridda ciidamada.
HBN ONLINE TV

