Puntland oo sheegtay in Maxkamad la gudbin doono siyaasiyiin ay ku eedeysay khalkhal galin amni, kadib awaamiir ay soo saartay

Golaha Wasiirrada Puntland oo ka shiray xaaladda amni ee deegaannada maamulka ayaa soo saaray go’aanno iyo awaamiir la xiriira hubka, siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo la dagaallanka dambiyada ka dhaca badda.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirka oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu bogaadiyay howlgalladii amni ee ugu dambeeyay ee ciidamada Puntland ka fuliyeen qaybo ka mid ah magaalooyinka maamulka. Puntland waxay sheegtay in howlgalladaasi lagu fashiliyey, sida ay hadalka u dhigtay, “duullaan qorshaysan” oo ay ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku doonaysay inay ku khalkhal geliso amniga iyo jiritaanka maamulkooda.

Goluhu wuxuu amar ku bixiyay inaan gudaha deegaannada Puntland lagu dhex wadan karin ciidan, ilaalo hubeysan ama gaadiid dagaal oo aan ka tirsanayn hay’adaha amniga rasmiga ah ee Puntland.

Sidoo kale, ciidamada ayaa la faray inay xoojiyaan la dagaallanka burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci darrada ah iyo cid kasta oo ku xadgudubta biyaha Puntland.

Dhanka kale, Puntland ayaa shaacisay in hay’adaha caddaaladda loo gudbin doono magacyada siyaasiyiin, iyo dad lagu eedeeyay ku lug yeelashada falal ka dhan ah Maamulka, si xukunno looga saaro.

“Goluhu wuxuu go’aamiyey in hay’adaha Caddaaladda ee Puntland loo gudbiyo magacyada xubnaha siyaasiyiinta, saraakiisha iyo shaqsiyaadka lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin falal lagu khalkhal gelinayo amniga iyo nidaamka dowladnimada Puntland si caddaaladda loo horkeeno” ayaa lagu yiri warka Puntland.

Dhinaca warbaahinta, Golaha Wasiirrada ayaa xasuusiyay dhammaan warbaahinta iyo saxafiyiinta ka howlgala Puntland inay ilaaliyaan xeerarka saxaafadda iyo anshaxa mihnadda, iyada oo la go’aamiyay in tallaabooyin sharci laga qaadi doono dadka isticmaala baraha bulshada ee lagu eedeeyo inay faafinayaan warar aan xaqiiqda ku salaysnayn ama sumcad-dil ku haya hay’adahooda.

Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu kale faray ciidamada kala duwan inay gutaan waajibaadkooda si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda ilaalinaya xuquuqda aadanaha, waxaana ay ugu baaqeen shacabka inay door muuqda ka qaataan sugidda amniga, xasilloonida iyo wadajirka bulshada, si loo adkeeyo nabadda iyo Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed