Xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shaakir oo qaadacay natiljada doorashada Galmudug

Xisbiga Towfiiq ee uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta si adag u qaadacay natiijada doorashadii qof iyo cod ee Galmudug, saacado kadib markii Guddiga Doorashooyinka uu ku dhawaaqay natiijada kama dambaysta ah.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Xisbiga ayaa lagu bogaadiyay shacabka Galmudug sida ay uga qeyb qaateen doorashada, hase yeeshee wuxuu sheegay in qiimeyn uu sameeyay kadib uusan ku qancin habraacii doorashada iyo natiijadii lagu dhawaaqay, taasi oo uu ku dooday in aanay waafaqsanayn hufnaan iyo caddaalad.

Xisbiga Towfiiq ayaa ku eedeeyay Guddiga Doorashooyinka inuu ku guuldareystay maareynta geeddi-socodka doorashada, sida uu qabo, isagoo ku andacooday in khaladaad iyo maamul-xumo ay saameeyeen inta badan marxaladihii doorashada, isla markaana ay dhaawaceen kalsoonidii lagu qabay nidaamka qof iyo cod.

Sidoo kale, xisbigu wuxuu sheegay in doorashadu ay niyad-jab ku reebtay shacabka Galmudug, islamarkaana ay dhaawacday sida hadalka uu u dhigay rajadii laga qabay hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah, isagoo ku baaqay in dib-u-eegis madax-bannaan lagu sameeyo codadkii laga dhiibtay 11-kii degmo ee doorashadu ka dhacday.

Ilaa iyo hadda, Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya kama uusan jawaabin eedeymaha iyo dalabaadka uu soo jeediyay Xisbiga Towfiiq.

Doorashadii dhawaan la qabtay ayaa xisbiga Towfiiq ka galay kaalmaha labaad natiijooyinka, isagoo helay 12 ka mid ah 89-ka kursi ee Golaha Wakiillada iyo 49 ka mid ah 243-ka kursi ee golayaasha deegaanka, sida ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed