Ugu yaraan 10 askari oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen qarax miino oo maanta ka dhacay deegaanka Sheebaab, oo hoos yimaada degmada Qandala ee gobolka Bari.
Sida ay wararka hordhaca ah sheegayaan, qaraxa ayaa haleelay gaari ay saarnaayeen ciidamada, iyadoo la tilmaamay in dhammaan askartii saarneyd gaariga ay ku geeriyoodeen goobta.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay waddo ay ciidamada si joogto ah u isticmaalaan, waxaana weli socda dadaallo lagu xaqiijinayo tirada rasmiga ah ee khasaaraha.
Dhowr jeer oo hore ah, qaraxyo miino lala beegsaday ciidamada Puntland ee ka howlgala buuraleyda Calmiskaad ayaa ka dhacay waddooyinka la isticmaalo ee rafka ah, taasi oo sababtay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Haraadiga qeyb kamid ah Kooxda Daacish, ayaa weli ku sugan buuraha Calmiskaad, inkasta oo awooddeeda si weyn loo wiiqay sanadkii hore 2025.
Ilaa iyo hadda, maamulka Puntland si rasmi ah ugama uusan soo saarin war-saxaafadeed ku saabsan qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

