Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay xoojinayso iskaashigeeda dhanka amniga badda ee Midowga Yurub, kaddib markii ay heshiis cusub ay la saxiixatay howlgalka badeed ee Yurub ee Aspides, kaas oo siinaya maraakiibta iyo diyaaradaha howlgalka oggolaansho ay ku isticmaalaan dekedaha iyo xarumaha milatari ee Jabuuti. Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in la kordhiyo ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo ay sii kordhayaan khataraha amni ee gobolka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, ayaa sheegay in heshiisku uu xoojinayo wadashaqeynta u dhexeysa dalalka ku teedsan Badda Cas iyo saaxiibadooda caalamiga ah, si loo ilaaliyo marin-biyoodka Bab al-Mandab oo ay maraan boqolkiiba 12 ganacsiga adduunka. Wuxuu xusay in iskaashigaasi uu gacan ka geysan doono xasilloonida gobolka iyo sugidda isu socodka maraakiibta.
Dhanka kale, Jabuuti ayaa si cad u diidday isku day kasta oo hal dhinac looga soo rogo lacag marin ama canshuuro maraakiibta ganacsiga, iyadoo ku adkeysatay in la dhowro xeerarka caalamiga ah ee dammaanad qaadaya xorriyadda isu socodka maraakiibta.
Sidoo kale, dowladda Jabuuti waxay sheegtay inay casriyeyn ku waddo ciidamada ilaalada xeebaha iyo kaabayaasha dekedaha, iyadoo furtay xarun casri ah oo lagu dayactiro maraakiibta. Dowladda ayaa aaminsan in tallaabooyinkan ay sare u qaadi doonaan doorka Jabuuti ee ilaalinta ganacsiga caalamiga ah iyo yareynta saameynta ay colaadaha gobolka ku yeeshaan isu socodka maraakiibta.
HBN ONLINE TV

