Madaxweyne Xasan Sheekh oo si cad u diidday in la soo farageliyo arrimaha gudaha ee dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u sheegay in aan la aqbali karin faragelin lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalka, isagoo hadalkan ka jeedinayay shir-Madaxeedka deg degga ah ee madaxda Waddamada Ciidamadoodu ka qeyb qaataan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM oo ka dhacay caasimadda Uganda.

Shirka intii uu socday ayaa lagu soo hadal qaaday in Warmurtiyeedka lagu qoro waddo siyaasaddeed oo lagu xaliyo arrimaha Soomaaliya iyo in shir la isugu keeno madaxda Soomaalida, balse waa uu didiay. Talabadaasi ayaa dhaliyey in laga saaro arrimaha uu ka hor yimid madaxweyne Xasan Sheekh, waxaase lagu xusay in dawlada Soomaaliya ay ka shaqeyso sidii ay wadashaqeyn ula yeelan lahayd maamul goboleedyada

“Shirkaan wuxuu ku saabsanaa ammaanka iyo caqabadaha howlagalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka haysta maalgalinta iyo sidoo kale arrimaha Alshabaab, si wanaagasan ayaana looga hadlay, laakiin arrimaha siyaasadda waa arrimo gudaha, ma aha in la caalamiyeeyo ama la goboleeyo, Soomaaliya ma aqbalayso arrintaas” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

khudbaddiisa intuu ku jiray ayuu ku soo bandhigay qodobo dhowr ah oo uu kaga hadlay isbedelada Dowladda Federaalka Soomaaliya & guulaha ay ka gaartay dib-u-xoreynta deegaannada, dib-u-habeynta hay’adaha amniga, xoojinta dowladnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada. Wuxuu xusay in guulahaasi ay ku yimaadeen dadaalka shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada saaxiibbada caalamka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dalalka ciidamada u soo diray Soomaaliya kaalinta ay ka qaateen sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, isagoo ku boorriyay in iskaashigaasi sii socdo, si loo xaqiijiyo guulo waara oo dhinaca amniga ah.

War-murtiyeedkii laga soo saaray shirka ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay weli khatar weyn ku tahay amniga Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay in dagaalka lagula jiro lagu daro dib-u-heshiisiin siyaasadeed, xoojinta hay’adaha dowladda, kobcinta dhaqaalaha iyo wax ka qabashada saboolnimada si loo helo nabad waarta.

Shirku wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda kala-guurka amni ee qorsheysan iyo sii wadista maalgelinta howlgalka AUSSOM, iyadoo beesha caalamka loogu baaqay inay sii waddo taageerada dhaqaale, si loo ilaaliyo guulaha amniga iyo xasilloonida laga gaaray Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed