Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay cabashada bukaanada Kalyaha ee Hargeysa

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo ka falceliyey cabashooyin ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah bukaanada qaba xanuunka Kalyaha, kuwaas oo sheegay inay la kulmayaan xaalado adag oo dhinaca adeegga caafimaadka ah ayaa wuuu si adag u tilmaamay in aan loo dulqaadan doonin wax kasta oo la xiriira maamul-xumo ama adeeg-xumo.

Cirro oo booqday Isbitaalka ay cabashada ka keeneen bukaanadan xaaladda adag ku jira ayaa ku adkeeyey hay’adaha ay khusayso inay shacabka siiyaan adeegyada loogu talagalay, isaga oo sheegay in Xukuumadda Somaliland ay qaadatay masuuliyadda xalinta arrintaasi.

“Wixii maamul-xumo iyo adeeg-xumo ah cidna loogu dulqaadan maayo. Dadka waa in adeegii loogu talagalay helaan, wixii culeys ah ee garowshiyo lehna waa in dadka lala socodsiiyaa,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Madaxweynaha ayaa xusay in adeegga sifeynta Kalyaha uu yahay adeeg bilaash ah, isla markaana Somalialnd u qorsheysay in bukaannada loogu adeego lacag la’aan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed