Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa shaacisay in muddo 2 sano gudahood ah ay qorsheyneyso inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka, taas oo waddada u xaaraysa in ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ay si tartiib tartiib ah uga baxaan dalka.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay in 2-da sano ee soo socota ay ciidamada Qaranka Soomaaliya la wareegaan dhammaan goobaha ay hadda joogaan ciidamada AUSSOM. Wuxuu xusay in dowladda ay hore u qoratay ciidamo cusub, isla markaana ay sii wadi doonto qorista iyo tayeynta ciidamada si ay u buuxiyaan baahida amni ee dalka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa qiray in Mareykanku uu joojiyay taageeradii uu siin jiray howlgalka AUSSOM, isagoo xusay in weli aan la helin cid si rasmi ah u maalgelisa howlgalka oo hadda galay sannadkiisii 20-aad. Wuxuu sheegay in tirada ciidamada Midowga Afrika si weyn loo dhimay, isla markaana dowladda Soomaaliya ay la wareegtay 30 saldhig oo ay horey u baneeyeen ciidamadii baxay.
Cali Balcad ayaa intaa ku daray in labadii sano ee la soo dhaafay ciidamada Soomaaliya ay hormuud ka ahaayeen dagaallada ka dhanka ah Alshabaab, halka ciidamada AUSSOM ay inta badan ku ekaayeen ilaalinta xarumaha iyo goobaha muhiimka ah. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray in ciidamada shisheeye weli muhiim u yihiin sugidda amniga goobaha xasaasiga ah.
Dhanka kale, Wasiir Cali Balcad ayaa si adag uga jawaabay warqaddii furaneyd ee Golaha Mustaqbalka ay u direen 27-kii bishaan July dalalka taageera Soomaaliya & kuwo ciidamadoodu ka qeyb qaataan howlgalka AUSSOM. Wuxuu ku tilmaamay tallaabadaasi mid khaldan, isagoo sheegay in arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya ay habooneyd in lagu xalliyo gudaha dalka, isla markaana aysan mudneyd in dibadda loo gudbiyo.
Wasiirka oo durayey bayaanka Golaha Mustaqbal iyo baaqyada ku aaddan in la dhiso gole kumeelgaar ah ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay marxaladdaas, islamarkaana dowladda ay rajo ka qabto in wada-hadallada siyaasadeed ee dhinacyada ula socda ay horseedi doonaan heshiis waara iyo xasillooni siyaasadeed.
HBN ONLINE TV

