Xogtii ugu dambeysay ee Doorashadii Galmudug oo soo gabagabowday & Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay

Waxaa si rasmi ah u soo gabagaboobay caawa doorashadii qof iyo codka ahayd ee ka dhacday deegaanada Galmudug, taas oo ay ku tartamayeen musharrixiinta golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ee maamulka. Doorashadan oo ka dhacday 11 degmo ayaa waxaa codkooda ka dhiibtay kumannaan codbixiyeyaal ah oo horey isu diiwaangeliyay, iyadoo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya uu sheegay in inta badan goobihii codbixinta ay u xirmeen si nabad ah, jawiguna uu ahaa mid degan oo amni iyo kala dambeyn leh.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb marka wakhtigu dhacay, ayaa sheegay in goobaha yar ee furan xirmi doonaan waqtigii loo asteeyay, marka safaf dhaadheer oo codbixiyeyaashu soo dhaamaan, kuwaas oo loo oggolaaday inay codkooda dhiibtaan maadaama ay safka ku jireen xilligii rasmiga ahaa ee xiritaanka. Wuxuu xusay in guddigu si dhow ula socday habsami u socodka doorashada ilaa gebagebadeeda.

“Ilaa iyo wakhtigan ee saacadu ay tahay 6-da maqribnimo inta badan goobaha codbixinta ayaa si nabad ah u soo xirmay, iyadoo howlihii codbixintu ku soo dhamaadeen jawi degan oo amni iyo kala dambeyn ah, waxaa se jira tiro kooban oo goobo codbixineed ah oo weli furan, taasoo ka dhalatay safaf dhaadheer oo codbixiyaasha iyo goobaha ku jiray xiliga rasmiga ah xiliga xiritaanka. Iyada oo la raacayo sharciga doorashooyinka iyo habraacyada guddiga, goobahaasi waxaa xiri doonaa marka uu codkiisa dhiibto qofka ugu dambeeya ee safka ku jira wakhtiga rasmiga ah ee xiritaanka” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariin.

Dhanka kale, Wuxuu si adag uga jawaabay muuqaalo uu u nisbeeyey baahintooda ururro siyaasadeed oo uu sheegay inay ka leexdeen hannaanka doorashada. Cabdikariin ayaa sheegay in muuqaallada iyo wararka lagu baahiyay baraha bulshada ay ahaayeen kuwo marin habaabin ah oo lagu dhaawacayo kalsoonida geeddi-socodka doorashada.

Wuxuu sidoo kale shaaciyay in guddigu ogaaday in qaar ka mid ah wakiilladii ururrada siyaasadeed lagu soo dhex qariyey goobaha codbixinta, isla markaas ahaayeen musharraxiin tartamayay.

“Guddigu wuxuu ogaaday arrin kale oo walaac leh, taas oo ah in qaar ka mida shaqsiyaadka ay ururada siyaasadda u magacaabeen wakiiladooda goobaha codbixintu ay isla markaasna yihiin musharaxiinta doorashada tartamaya, kuwaas oo markaan ogaanay ay yihiin murashaxiin aan bilownay in aan oo aan diidno inay noqdaan dad goobjoogayaal u ah ururada” ayuu sii raaciyey haadalkiisa.

Doorashadan oo loo diwaangaliyey 267,420 codbixiye oo ku kala sugan 11 degmo ayaa waxaa lagu soo dooranayaa Golaha Wakiillada oo ka kooban 89 kursi, ayna ku ku tartamayaan 12 urur siyaasadeed iyo golayaasha deegaanka oo ka kooban 243 kursi, kuna tartamayeen 16 urur siyaasadeed.

Galmudug ayaa noqotay dowlad-goboleedkii labaad ee lagu qabto doorasho qof iyo cod ah, halka ay tahay goobtii saddexaad ee Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya uu ka hirgeliyo nidaamkan.

Doorashadan ayaa sidoo kale la kulantay diidmo xooggan oo uga timid mucaaradka, kuwaas oo ku dooday in natiijadeeda hore loo sii ogaa. Dowladda Federaalka iyo Guddiga Doorashooyinka ayaa dhankooda si cad u beeniyay eedeymahaas, iyagoo ku adkeystay in doorashadu ay tahay tallaabo muhiim u ah hirgelinta dimuqraadiyadda, ballaarinta ka qeybgalka shacabka iyo dhismaha nidaamka doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed