Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa shaaciyay in duqeymo isdaba joog ah oo lagu bartilmaameedsaday shir ay horjoogayaal sare oo ka tirsan Alshabaab ku lahaayeen degmada Aadan Yabaal ee Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay 11 horjooge, laguna dhaawacay 4 kale, oo uu ku jiro Yuusuf Ciise Kaba-Kudukade, oo ah waaliga kooxda ee u qaabilsanaa isla gobolka.
Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in duqeymahan la fuliyay 27-kii bishaan Luulyo, xilli uu socday shir hoggaamineed oo uu guddoominayay Yuusuf Ciise Kaba-kudukade, kaasi oo uu soo gaaray dhaawac culus, hase yeeshee Alshabaab weli kama aysan hadlin sheegashooyinka dowladda ee ku saabsan khasaaraha ka dhashay howlgalka. Wuxuu xusay in howlgalka uu ka koobnaa 4 duqeyn oo kala duwan, kuwaas oo lagu fuliyay taageerada saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya.
“Horjoogayasha ku dhaawacmay howlgalkan waxaa ka mid ah Yuusuf Ciise Kaba-kudukade Waaliga Argagixisada ugu magacaaban gobolka Shabeellaha dhexe oo dhaawac culus halkaa ka soo gaaray” ayuu yiri wasiira Fiqi.
Sida uu sheegay Wasiir Fiqi, howlgalka ayaa sidoo kale lagu burburiyay afar gaari oo ay isticmaali jireen Alshabaab, kuwaas oo kala ahaa 1 booyad shidaal, laba gaari oo nooca Toyota-da Cabdi Bile ah iyo 1 gaari oo nooca Baraado ah, taas oo uu ku tilmaamay dhabar-jab ku yimid awoodda saadka & dhaq-dhaqaaqa kooxda.
Wasiirka ayaa ku dooday in dadka la xaqiijiyay geeridooda ay ka mid yihiin Macallin Carab oo ahaa madaxa sirdoonka Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud, Sheekh Cabdullaahi Aw-Jalabow oo ahaa ku-simaha waaliga Aadan Yabaal, Macallin Sakariye oo ahaa mas’uulka amniga kooxda ee gobolka Hiiraan, Suldaan Cali Muuse, Naqiib Sheekh Cumar Xaashi (Naqiib Kabiir), Salmaan Dheere, Cabdifitaax, Xaash, Macallin Suuley iyo Xudeyfa, kuwaas oo dowladda ku sheegtay inay ka tirsanaayeen hoggaanka iyo waaxyaha kala duwan ee Alshabaab.
Dowladda ayaa ku tilmaantay howlgalka dharbaaxo culus oo lagu qaaday hoggaanka Alshabaab, iyadoo sheegtay inuu qeyb ka yahay howlgallada milatari ee socda ee lagu wiiqayo awoodda talis iyo tan hawlgal ee kooxda.
HBN ONLINE TV

