Madaxweynaha Waqooyi Bari oo si adag kaga falceliyey xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaam maamulkaasi oo qeyb ka mid ah u goosteen Somaliland

Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa maanta jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulka, isagoo sheegay in xukuumaddiisu ay wajahday caqabado ka imanaya gudaha iyo dibaddaba.

Firdhiye ayaa ugu horreyn ka hadlay xildhibaanno ka baxay maamulkiisa, kuwaas oo uu sheegay inuu horey u sii ogaa sida uu ku dooday in qaar ka mid ah Baarlamaanka ay xiriir la lahaayeen Somaliland, islamarkaana uu soo jeediyay in laga qaado xasaanadda, balse arrintaas aan la aqbalin.

“Baaralmaankeena bishiii 3-aad baan la wadaagay in qaar ka mid ah sii socdaan, laakiin dadkaasi wasiiro xil ka qaadi karaya ma ahayn, laakiin waxaa loo qaatay dad i diidan oo aanigu diidanahay. Aan dib isugu noqono. In la kala miirmo oo dadkan, dadaan gayin dhexjoogoodu ka baxaan sharaf bay inoo tahay. Guri ceebeed bay ka soo jeesteen, go’aan ceebeed bay qaateen,” ayuu yiri Firdhiye.

Sidoo kale, madaxweynaha Waqooyi Bari ayaa qiray in maamulka uu weli wajahayo caqabado dhanka adeegyada iyo mashaariicda horumarinta ah, isagoo sheegay in maamulkiisu uu la mid yahay dowlad-goboleedyada kale ee dalka, isla markaana hirgelinta adeegyada aas-aasiga ahi ay u baahan tahay waqti iyo taageero.

Dhanka kale, Firdhiye ayaa sheegay in danta shacabka Waqooyi Bari ay tahay mudnaanta 1-aad ee maamulkiisa, isagoo si adag uga digay in Dowladda Federaalka ay ka hor timaaddo danaha maamulka. Wuxuu sheegay in haddii arrintaasi dhacdo uu noqon doono qofka ugu horreeya ee si cad uga hor yimaada dowladda.

“Xukuumadda Federaalka ah madaxdeeda Ra’iisal Wasaaraha iyo madaxaweynaha, haddaan ka arko dadkeyga dantooda intaa in la eg [farta caaradeeda] ka soo horjeedaan, qofka ugu horeeya ee ka dhaqaaqaya ee oranaya ina kala dhufta dantayada ma wadaane baa Cabdulqaadir noqonayaa” ayuu sii raaciyey hadalka.

Ugu dambeyn, wuxuu ku adkeystay in maamulkiisu uu ka shaqeynayo midnimada iyo jiritaanka Soomaaliya, balse uu saluug ka qabo dib u dhaca ku yimid mashaariicdii horumarineed ee uu maamulka xaqa u lahaa, isagoo ku baaqay in si degdeg ah xal looga gaaro arrintaas.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed