Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ay ka mid yihiin madax hore & maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, ayaa warqad furan u diray madaxda dalalka ciidamadoodu qaybta ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM, iyagoo ku baaqay in heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay uu noqdo saldhigga isbeddel kasta oo dhinaca amniga ah.
War saxaafadeed uu soo saaray Golaha ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo halis ah sida uu hadalka u dhigay, isla markaana muddo xileedka Madaxweynaha uu dhammaaday 15-kii May 2026, halka Baarlamaankuna uu waqtigiisu dhacay 14-kii Abriil 2026. Waxay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay lumisay sida ay hadalka u dhigeen sharciyaddii ay ku maamuli lahayd dalka, isla markaana aan weli la gaarin heshiis siyaasadeed oo lagu maareeyo marxaladda kala-guurka.
Warqadda ayaa ku eedeysay Dawlada inay ka leexisay Ciidanka Xoogga Dalka waajibaadkoodii dastuuriga ahaa ee la dagaallanka Alshabaab iyo Daacish, ayna sii xumaysay xiriirka kala dhexeeya dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Golaha ayaa ku dooday in ciidamada dowlad-goboleedyadaas, oo ku sugan jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan, laga reebay taageero, isla markaana la wiiqay awooddooda.
Golaha ayaa soo jeediyay in la dhiso Gole Kumeelgaar ah oo Qaran, kaas oo si wadajir ah u maamula geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo diyaarinta doorashooyinka ilaa laga soo dhisayo hay’ado qaran oo sharciyad buuxda leh. Waxay sheegeen in golahaasi dib u soo celin karo kalsoonida shacabka, sharciyadda hay’adaha dowladda iyo dhexdhexaadnimada ciidamada qalabka sida.
Sidoo kale, Golaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo dalalka ciidamadoodu ku jiraan AUSSOM inay taageeradooda ku xiraan in marka hore la gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo dib u soo celinaya wadajirka iyo sharciyadda Dowladda, inkasta oo go’aanka howlgalka horyaalla hadda ka weyn yahay hadallada caadi ah. Waxay xuseen in guusha AUSSOM aan lagu cabbiri doonin oo keliya dhulka laga xoreeyo waxa loogu yeero argagixisada, balse lagu qiimeyn doono in Soomaaliya yeelato dowlad sharciyad leh oo awood u leh inay si madax-bannaan u ilaaliso nabadda iyo amniga dalka.
HBN ONLINE TV

