Warbaahinta CNN-News18 ee fadhigeedu yahay dalka Hindiya ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo sirdoon oo sare, in Turkigu uu ku jiro wada-hadallo heer gabagabo ah maraya in ku biiro Heshiiska Iskaashiga Difaaca Istiraatiijiga ah (SMDA) ee u dhexeeya Pakistan iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Sida wararku tilmaamayaan, haddii wada-hadalladan lagu guuleysto, waxaa suuragal noqon karta in la dhiso isbahaysi amni oo saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga. Isbahaysigan ayaa la filayaa inuu xoojiyo iskaashiga milatari, tababarrada ciidamada, horumarinta warshadaha difaaca iyo isuduwidda ammaanka gobolka.
Warbaahinta Pakistan, oo ay ku jirto Express Tribune, ayaa sidoo kale baahisay in Ankara ay danaynayso inay ku biirto heshiiska difaaca ee Islamabad iyo Riyadh, iyadoo wararku sheegayaan in wada-hadalladu ay marayaan heer aad u horumarsan. Sidoo kale waxaa la sheegay in saraakiil ka kala socota saddexda dal ay ka shaqeynayaan qaab-dhismeed ballaaran oo iskaashi amni.
Falanqeeyayaasha Turkiga waxay rumeysan yihiin in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaalka Ankara ee lagu ballaarinayo saameynteeda Bariga Dhexe, isla markaana lagu xoojinayo xiriirka ay la leedahay Pakistan iyo Sacuudiga, gaar ahaan kadib xiisadihii ugu dambeeyay ee gobolka.
Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Pakistan iyo Sacuudiga ayaa hore loo saxiixay, waxaana ku jira qodob dhigaya in weerar lagu qaado mid ka mid ah labada dal loo arko weerar lagu qaaday labada dalba.
Si kastaba ha ahaatee, illaa iyo hadda ma jirto war rasmi ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Ankara, Islamabad ama Riyadh oo xaqiijinaya in Turkigu si rasmi ah ugu biiray heshiiska ama in la saxiixay heshiis saddex geesood ah. Wararka jira waxay ku saleysan yihiin ilo sirdoon iyo saraakiil xog ogaal ah, halka wada-hadalladuna ay weli socdaan.
HBN Online TV + Warbaahinta Turkiga, Hindiya & Pakistan

