Galmudug oo war ka soo saartay eedeymo Puntland u jeedisay

Maamulka Galmudug ayaa si adag u beeniyay eedeymo uga yimid Puntland oo la xiriiray in deegaannada Galmudug loo adeegsanayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah maamulkeeda.

Wasiirka Qorsheynta Galmudug Cabdiraxmaan Axmed Xayle ayaa BBC-da u sheegay in xiriirka u dhexeeya Galmudug iyo Puntland uu yahay mid ku dhisan wada shaqeyn iyo isfaham, isagoo xusay in Galmudug aysan ahayn meel laga soo abaabulo ama laga fuliyo falal ka dhan ah Puntland.

“Puntland waa in ay xalisataa culeyska gudaha ka haysta ma ahan in ay ku soo riixdo Galmudug, mana noqon karno waddo loo maro dowladda federaalka” ayuu yiri wasiir Xayle.

Sidoo kale, wuxuu ku dooday in Galmudug ahayn waddo loo maro sida uu hadalk u dhigay Dowladda Federaalka, aysana u baahnayn inay Galmudug u soo marto Puntland, maadaama ay si toos ah uga degi karto deegaannada ay maamusho Puntland. Wasiirka ayaa tilmaamay in garoomada diyaaradaha ee Galmudug aan loo adeegsan duullaan ka dhan ah maamulkaas.

Hadalka Galmudug ka yimid ayaa jawaab u ah ka dib markii Puntland ay soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay inay si dhow ula socoto waxa ay ku tilmaamtay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo lagu hurinayo colaado laguna wiiqayo hay’adaha maamulka.

Puntland ayaa ugu baaqday Galmudug inay ka hortagto in garoomada diyaaradaha ama dhulka ay maamusho loo adeegsado gudbinta saanad ciidan ama maleeshiyaad ay sheegtay in lagu dhibaateynayo shacabka Puntland, isaga oo maamulku horey dhowr jeer Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu eedeysay inay ciidamo geyneyso deegaannadeeda.

Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymaha iyo baaqyada ku xusan war-saxaafadeedka ay soo saartay Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed