Shir heer sare ah oo lagu qabanayo magaalada Kampala ee dalka Uganda 31-ka bishaan Luulyo ayaa la filayaa inuu go’aan muhiim ah ka gaaro mustaqbalka Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo hoggaamiyeyaasha ay diiradda saarayaan sidii xal loogu heli lahaa dhaqaale yarida ba’an ee haysata howlgalka.
Shirkan ayaa daba socda kulamo isdaba joog ah oo ka dhacay Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala, kuwaas oo ay ka qeyb galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika, dalalka ciidamada ku leh AUSSOM iyo saaxiibbada caalamiga ah.
AUSSOM, oo bishii Janaayo 2025 beddelay ATMIS, ayaa wajahaya caqabado dhaqaale oo sii kordhaya kadib markii maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu hakiyay qayb ka mid ah taageeradii dhaqaale ee uu siin jiray howlgalka.
Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalka uu u baahan yahay qiyaastii $190 milyan sannadka 2025, hase yeeshee maalgelinta la heli karo ayaan weli daboolin baahida jirta. Saraakiisha Midowga Afrika ayaa ka digay in dhaqaale la’aantu ay halis gelin karto sii socoshada howlgalka haddii aan xal degdeg ah la helin.
Inkasta oo Midowga Yurub uu weli yahay taageeraha ugu weyn ee howlgalka, isla markaana uu ansixiyay €75 milyan oo dheeraad ah sannadkan, haddana taageeradaasi ayaan ku filnayn inay buuxiso farqiga dhaqaale. Lacagtan ayaa u dhiganta $88 milyan Maraykanka.
Shirka Kampala ayaa la filayaa inuu diiradda saaro qorshaha maalgelinta AUSSOM, dib u habeynta howlgalka iyo sidii loo xaqiijin lahaa inuu sii shaqeyn karo.
Go’aanka ka soo baxa shirka ayaa la rumeysan yahay inuu saameyn weyn ku yeelan doono mustaqbalka howlgalka iyo amniga Soomaaliya, xilli weli aan la helin qorshe dhaqaale oo waara oo lagu sii wadi karo AUSSOM.
HBN ONLINE TV

