Maamulka Puntland ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan waxa ay ku tilmaameen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo uu wado sida hadalka loo dhigay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo warsaxafadeedka lagu sheegay inuu xilkiisu dhammaaday.
War-saxaafadeedka ay soo saartay Puntland ayay ku eedeysay in dhaqdhaqaaqyadaasi sida hadalka loo yiri ay ujeeddadoodu tahay hurinta colaado iyo wiiqidda nidaamka hay’addaha Puntland.
Sidoo kale, Puntland ayaa sheegtay in aanu jirin ciidan si sharci ah uga tirsan ciidamada difaaca Puntland oo loo yaqaan PSF, iyadoo intaas ku dartay inaanu jirin ciidan ka diiwaangashan Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS oo ka howlgala deegaannada ay maamusho Puntland.
“Puntland waxay cadyneysaa inaysan jirin ciidan la yiraahdo PSF oo si sharci ah uga tirsan ciidamada Difaaca Dowlada Puntland Sidoo kale Dowladu waxay cadayneysaa inaysan jirin ciidan ka diiwangashan Dowlada Federaalka ah oo ka hawigala degaannada Puntland” ayaa lagu yiri warka Puntland.
War-saxaafadeedka ayaa fariin loogu diray maamulka Galmudug iyo beesha caalamka. Puntland waxay ugu baaqday Galmudug inay ka hortagto in garoomada diyaaradaha ama dhulka ay maamusho loo adeegsado gudbinta saanad ciidan ama maleeshiyaad, kuwaas oo ay sheegtay in looga gol leeyahay in lagu dhibaateeyo shacabka Puntland.
“Puntland waxay fariin gaar ah u direysaa Dowlad Goboleedka deriska ah ee Galmudug iyo Beesha Caalamka, waxayna Puntland ugu baaqaysaa Galmudug inay ka waantoowdo in saanad ciidan iyo maleeshiyaadka soo maraan garoomada iyo dhulka ay maamusho Galmudug kuwaas oo looga dan leeyahay in lagu dhibaateeyo shacabka reer Puntland, oo ay Galmudug ka dhexeyso deris wanaag, iskaashi amni, iyo nolal ku dheehan nabadgelyo oo muddo dheer soo jirtay” ayaa la sii raaciyey warka.
Puntland ayaa hoosta ka xarriiqday muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xiriirka deris-wanaagga, iskaashiga amniga iyo nabadda muddada dheer ka dhexeysay Puntland iyo Galmudug.
Illaa iyo hadda, Dawlada Soomaaliya iyo maamulka Galmudug si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymaha iyo baaqyada ku xusan war-saxaafadeedka ay soo saartay Dowladda Puntland.
HBN ONLINE TV

