Dagaal beeleed ka socda gobolka Sanaag oo sababay khasaare dhimasho iyo dhawaac

Wararka ka imanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal beeleed uu maanta ka dhacay deegaanka Dawaco oo hoostaga degmada Badhan gobolka Sanaag. Dagaalka ayaa la sheegay inuu daba socdo iska horimaadyo soo noqnoqday oo horey uga dhacay deegaanka, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Xogaha hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dagaalka maanta uu sababay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalku qarxay kaddib markii ciidamada Puntland laga qaaday deegaanka, halkaas oo ay muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaayeen si ay u kala dhex galaan maleeshiyaadka labada qabaa’il ee dirirtu u dhaxaysay. Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda oo ay qaataan nabadda.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka Waqooyi Bari ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku cambaareysay dagaalka ka socda Sanaag, iyadoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka, ilaaliyaanna nabadda, wada noolaanshaha iyo badbaadada shacabka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqday isimada dhaqanka, culimada, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay si degdeg ah uga qayb qaataan dadaallada lagu soo afjarayo colaadda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in nabaddu ay tahay mas’uuliyad wada saaran dhammaan bulshada, iyadoo dhinacyada colaadda ugu baaqday inay doortaan wadahadal iyo xal nabadeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed