Dawlada deegaanka Soomaalida oo awaamiir culus soo saartay ka dib dhimashada 20 qof

Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka ee Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa soo saaray awaamiir cusub oo lagu adkeynayo nidaamka gaadiidka iyo badqabka waddooyinka, kaddib 3 shil oo todobaadkii hore ka dhacay Jigjiga, Qoraxey iyo Qabri-bayax, kuwaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 20 qof iyo dhaawaca 10 ruux inka badan.

Sida maamulka uu sheegay, tallaabooyinkan ayaa looga golleeyahay in lagu yareeyo shilalka gaadiidka, lana xoojiyo u hoggaansanaanta shuruucda waddooyinka. Awaamiirta cusub ayaa mamnuucaysa in gaadiidka nooca Bajaajta (Foorsida) iyo Tagaasida Code-1 ay ka shaqeeyaan safarrada u dhexeeya magaalooyinka ama ay ka baxaan xuduudaha magaalooyinka.

Sidoo kale, dhammaan gaadiidka rakaabka qaada ayaa laga mamnuucay inay safarro galaan wixii ka dambeeya 7:00 fiidnimo, marka laga reebo kuwa haysta ruqsad gaar ah, waxaama la faray in gaadiidka dadweynaha ee rakaabka ka qaadaan oo keliya baraha rasmiga ah ee gaadiidka, iyadoo la mamnuucay in rakaab lagu qaado meel ka baxsan boosteejooyinka.

Waxaa intaa dheer in dhammaan gaadiidka lagu rakibo qalabka xaddida xawaaraha, halka darawallada iyo rakaabka mootooyinka lagu waajibiyey xirashada koofiyadda badbaadada, sidoo kalena isticmaalka suunka badbaadada ee baabuurta.

Awaamiirta ayaa sidoo kale mamnuucaysa isticmaalka nalalka dheeraadka ah iyo kuraasta aan sharcigu oggolayn. Gaadiidka xamuulka ayaa lagu amray inay habeenkii ku xaroodaan goobo loo asteeyey, halka gaadiid kasta oo aan marin baaritaanka farsamada (MoT) ama aan haysan rukhsadda sannadlaha ah aan loo oggolaan doonin inuu shaqeeyo.

Gaadiidka rakaabka qaada waxaa lagu waajibiyey inay wataan dukumiintiyada safarka, halka Tagaasida Code-3 iyo Damaasyada loo oggolaan doono safarro gaar ah oo keliya marka ay haystaan ruqsad rasmi ah.

Muddooyinkii u dambeeyey, gaadiidka qaada jaadka ayaa si joogto ah ugu lug lahaa shilal sababay khasaarooyin naf iyo maalba leh. Dad badan ayaa ku eedeeya darawallada inay ku socdaan xawaare sare, iyagoo ku baaqaya in si adag loo dhaqan geliyo xeerarka waddooyinka iyo xakamaynta xawaaraha gaadiidka.

Tallaabooyinkan cusub ayaa la filayaa inay door ka qaataan dhimista shilalka gaadiidka iyo kor u qaadidda badqabka dadka isticmaala waddooyinka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed