Shilkii 2-aad ee ugu dhimashada badnaa toddobaadkan oo ka dhacay gobolka Soomaalida

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku geeriyooday, halka ilmo yar uu ku dhaawacmay, kadib shil gaari oo xalay fiidkii ka dhacay xaafadda 10-aad ee degmo-hoosaadka Karamardha ee magaalada Jigjiga ee Caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Sida ay sheegeen saraakiisha booliska, dadka dhintay waxay isugu jiraan 5 rag ah iyo 2 haween ah. Gaariga shilka sababay ayaa ahaa nooca xamuulka qaada.

Madaxa Baadhista Shilalka ee Komishinka Booliska Dowlad deegaanka Soomaalida, Gaashaanle Dhexe Caydaruus Maxamed Axmed, ayaa u sheegay Warbaahinta in baaritaanno ay socdaan si loo ogaado sababta rasmiga ah ee keentay shilka iyo baaxadda khasaaraha uu geystay.

Kooxaha gurmadka degdegga ah, oo ay ku jiraan ambalaasyada iyo ciidamada ammaanka, ayaa si dhaqso ah u gaaray goobta, waxaana dhaawacyadii loo qaaday xarumaha caafimaadka si loogu fidiyo daryeel degdeg ah.

Shilkan ayaa yimid maalin uun kadib, markii shil kale uu ka dhacay deegaanka Kudunbuur ee gobolka Qoraxey, uuna sababay dhimashada 1 qof iyo dhaawaca mid kale. Shilkaasi ayaa la sheegay inuu ku lug lahaa gaari nooca ProBox ah oo siday jaad.

Muddooyinkii dambe, gaadiidka qaada jaadka ayaa si isdaba joog ah ugu lug lahaa shilal sababay khasaare naf iyo maalba leh. Dadka deegaanka ayaa inta badan ku eedeeya darawallada inay ku socdaan xawaare sare, iyagoo ku baaqaya in si adag loo dhaqan geliyo shuruucda waddooyinka iyo xakamaynta xawaaraha gaadiidka.

Shilka Jigjiga ayaa noqonaya kii 3-aad ee ugu dhimashada badnaa toddobaadkan ee ka dhaca Dowlad Deegaanka Soomaalida, kaasi oo galaaftay nolasha 20 ruux.

Horraantii toddobaadkan, ugu yaraan 13 qof, oo 12 ka mid ah ay ka soo wada jeedeen hal qoys, ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay deegaanka Guuyoow ee degmada Qabri-bayax, kadib markii uu isku dhaceen gaari jaad siday iyo mooto bajaaj.

Murugada dhacdadaas ayaa sii laba jibbaartay kadib markii godkii aas wadareedka uu ku dumay dadkii ku jiray ee xabaasha qodayey, taasi oo sababtay dhimashada 3 qof oo kale iyo dhaawaca ku dhowaad 10 ruux.

Dhacdooyinkan isdaba jooga ah ayaa mar kale muujinaya baahida loo qabo in la adkeeyo badqabka waddooyinka iyo in si adag loola xisaabtamo darawallada jebiya xeerarka gaadiidka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed