DFS oo sheegtay in tiro ku dhow 150 Maleeshiyaad ah oo taabacsanaa madaxweynihii hore ee KGS isu soo dhiibeen

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay iyo ku dhowaad 150 maleeshiyaad ah ay isu soo dhiibeen Ciidamada Xoogga Dalka ee ka howlgala deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga, Ibraahim Kalaay iyo ciidamadii la socday ayaa ka soo goostay maleeshiyaad uu dowladda ku eedeysay inay taageersan yihiin madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS), Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kuwaas oo la sheegay inay maalmihii la soo dhaafay falal amni-darro ah ka waday deegaanno ka tirsan gobolka Baay sida hadalka ay u dhigtay.

Bayaanka Wasaaradda ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadka isdhiibay ay ciidamada ku wareejiyeen hub kala duwan iyo gaadiid dagaal oo ay wateen, kaddib markii ay ka tanaasuleen sida ay ku dooday dhaqdhaqaaqyadoodii hubeysnaa.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ay weli socdaan dadaallo lagu qancinayo maleeshiyaad kale oo weli hubeysan inay iyaguna isku soo dhiibaan ciidamada dowladda, iyada oo la filayo in tiro kale ay sidaas sameeyaan maalmaha soo socda.

Dowladdu waxay ku tilmaantay isdhiibistan inay dhabar-jab ku tahay kooxaha hubeysan ee lagu eedeeyay inay qalqalgelinayeen amniga Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran.

“Tallaabadan ayaa dhabar-jab ku ah kooxaha hubeysan ee qalqalgelinayay amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo, waxayna qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada, dib-u-heshiisiinta iyo xaqiijinta in aanay jirin cid awood u leh in ay ka hortimaaddo hanaanka dowladnimada” ayaa lagu yiri warka wasaradda.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ku celisay in Dowladda Federaalka aysan oggolaan doonin in hub sharci-darro ah loo adeegsado dano siyaasadeed ama lagu dhibaateeyo shacabka, iyadoo ugu baaqday cid kasta oo weli hubeysan inay ka faa’iideysato fursadda dib ugu soo laaban karto bulshada iyo hay’adaha dowladda.

Dhanka kale, ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxweynihii hore KGS Cabdicasiis Laftagareen ama dhinacyada lagu xusay bayaanka dowladda oo ku saabsan sheegashada isdhiibidda iyo eedeymaha loo jeediyay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed