Ciidamada amniga ee degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hosoe ayaa gacanta ku dhigay nin ka tirsanaa Alshabaab, kaddib weerar lagu qaaday ciidamo ku sugnaa magaalada.
Sida ay sheegayaan wararka, kooxda ayaa weerartay askar roondo ku jirtay, waxaana weerarkaasi lagu dilay Sarkaal lagu magacaabi jiray Cabdiqaadir Caddow Cabdullaahi iyo askari kale oo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland.
Xogta ayaa intaasi ku daraysa in ciidamada ammaanku ay dhaawaceen ninka ka hor inta aan la qaban oo uu iska horimaadku socday, halka xubnihii kale ee la socday ay ka baxsadeen goobta.
Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka Jubbaland oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in ninka la qabtay iyo xubno kale oo la socday lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarka lagu dilay labada askari.
Dhanka kale, muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ninka la qabtay oo dhaawac ah, kuna sugan goob bannaan, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin muuqaalkaasi.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ay maalintii labaad booqasho ku joogaan degmada Afmadow, halkaas oo ay u tageen sida la tilmaamy dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka.
HBN ONLINE TV

