Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in howlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka Kumaandooska Danab in lagu dilay 9 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada.
Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Hantiwadaag oo qiyaastii 30km dhinaca koonfur galbeed uga beegan degmada Afgooye ayaa ah deegaan ay ku dhaqan yihiin dad beeraleyda ah, waxaana sida lagu sheegay warka lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsanaa Alshabaab oo ku sugnaa halkaasi.
Danab ayaa sheegtay in dadka la dilay ay isugu jireen dagaallamayal iyo horjoogihii hoggaaminayay kooxda, kuwaas oo la sheegay inay ku dhuumaaleysanayeen deegaanka ciidamada ay ka fuliyeen howlgalka.
“Intii uu socday hawlgalka, waxaa lagu dilay 9 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogihii hoggaaminayey, kuwaas oo ku dhuumaalaysanayey deegaanka ay ciidamada ka sameeyeen howlgalka” ayaa lagu yiri warka Danab.
Sidoo kale, talisku wuxuu xusay in howlgalka uu yimid kaddib xog uruurin iyo qorsheyn hore.
Ciidanka Kumaandooska oo bishan kordhiyay howlgalada qorsheysan oo ay ka sameynayaan gudaha deegaanada Alshabaab joogaan ayaa carrabka ku adkeeyay in ciidamadu ay gaari karaan goob kasta oo ay isku dayaan inay ku dhuumaaleysato kooxda.
HBN ONLINE TV

