DFS oo helaysa qiimayn sare, iyada oo Musharixiinta u taagan Xilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey ay u imaanayaan dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Somalia ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Chile, Michelle Bachelet oo u sharraxan xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Michelle oo laba jeer soo qabatay Xilka Madaxweynaha dalka Chile ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh ka codsatay inuu ka taageero Doorashada Xoghayaha Guud ee QM, iyadoo ballanqaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonto Soomaaliya.

Haweeneydaan ayaa sheegtay in ay Ixtiraameyso Midimida iyo Madaxbannaanida Soomaaliya oo qeyb ka ah dalalka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaasna leh go’aanka Doorashada Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay.

Sidaan oo kale waxaa dhawaan magaalada Muqdisho soo gaarey Madaxweynihii hore ee dalka Senegal, Macky Sall, isagoo codsaday in Soomaaliya kala shaqeyso Ololahiisa doorashada Xoghaya Guud.

Xilkaan ayaa waxaa u sharraxan ilaa sided dal oo kala ah Argentina, Senegal, Costa Rica, Ecuador, Guyana, Chile, Barbados iyo Colombia.

Soomaaliya ayaana codkeeda lagu tartamaya maadaama ay kamid tahay 15 dal ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed