Soomaaliya, Masar & Eritrea oo ka wada hadlay amniga Geeska Afrika iyadoo uu sii xoogeysanayo iskaashiga gobolka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty, ayaa maanta kulan gaar gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalalka Eritrea, Osman Saleh, iyo Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, kuwaa oo la sheegay in diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka seddex geesoodka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee dalalkan.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, labada kulan waxaa sidoo kale looga hadlay isuduwidda mowqifyada saddexda dal iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee ka taagan Geeska Afrika.

Masar ayaa muddooyinkii u dambeeyay si joogto ah u sheegtay in amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika ay si toos ah ula xiriiraan amniga qarankeeda. Qaahira waxay ku doodaysaa in qalalaasaha ka jira gobolka, gaar ahaan Badda Cas iyo marinadeeda muhiimka ah, uu si toos ah u saameeyo danaha istaraatiijiga ah ee dalka.

Dadaalladan diblomaasiyadeed ayaa imanaya, kadib kulan uu Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, 17-kii Luulyo magaalada Asmara kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaanida Suudaan, Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, xaaladda Suudaan iyo arrimo kale oo heer gobol iyo caalami ah. Masar iyo Eritrea labaduba waxay taageero u muujiyeen Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) ee uu hoggaamiyo Al-Burhaan.

Masar, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa bilihii la soo dhaafay sare u qaaday iskaashigooda ku aaddan arrimaha Geeska Afrika, amniga badda iyo maamulka Badda Cas.

Kulamada maanta ayaa daba socday wada-hadallo 10-kii Juun ka dhacay Qaahira oo dhex maray Wasiirrada Arrimaha Dibadda Masar iyo Eritrea, kuwaas oo muujinaya sida Masar ay u kordhisay daneynteeda ku aaddan amniga Geeska Afrika iyo deegaanka Badda Cas.

Dhanka kale, Masar iyo Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore kala saxiixday is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga gaadiidka badda iyo dekedaha. Heshiiskan ayaa yimid toddobaadyo uun kaddib markii Masar iyo Eritrea ay kala saxiixdeen heshiis la xiriira gaadiidka badda iyo isku xirka dekedaha Badda Cas.

Masar, Eritrea iyo Soomaaliya ayaa dhammaantood isku mowqif ka qaatay in amniga iyo maamulka Badda Cas ay yihiin mas’uuliyad gaar u ah dalalka xeebaha ku leh baddaas, iyagoo adkeeyay in mustaqbalka istaraatiijiga ah ee Badda Cas ay go’aaminayaan waddamada xeebaha leh.

Isku soo dhowaanshahan sii xoogeysanaya ee Masar, Eritrea iyo Soomaaliya ayaa dhaliyay walaac ay muujisay Itoobiya. Bishii May, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ku eedeysay Masar inay waddo istaraatiijiyad ay ku hareereyneyso Itoobiya, isla markaana ay xoojinayso dadaallada lagu wiiqayo dalka, kaddib markii Addis Ababa ay sheegtay in helitaanka marin-badeed uu yahay dan qaran.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa dhankiisa ku celceliyay in dowladdiisu ay sii wadi doonto raadinta marin-badeed iyadoo adeegsanaysa waddooyin nabadeed iyo diblomaasiyadeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed