Xiliga uu furmayo Baarlamaanka  Soomaaliya oo la shaaciyey

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah loo furi doono Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka 11-aad maalinta bish soo socoda ee Agoosto 2026.

War saxaafadeed ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Go’aankan uu yimid, kadib kulamo wadatashi ah oo ay yeesheen Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, kuwaas oo lagu go’aamiyay waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo kalfadhiga cusub noqoto maalinta 1-da Agoosto oo Sabti ku aadan.

Sidoo kale, Guddoonka Labada Aqal ayaa farriin u diray dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarrada Aqalka Sare, iyagoo ku wargeliyay inay ku soo laabtaan magaalada Muqdisho ka hor taariikhda furitaanka kalfadhiga, si ay uga qayb qaataan shaqada Baarlamaanka.

Furitaanka Kalfadhiga 8-aad ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro ajandayaal culus oo ay ugu horeyso in golaha shacabka loo dooro guddoomiye cusub, kadib markii uu booskaas baneeyey Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo loo doortay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankaas waxaa sida sharcigu dhigayo qudbad ka jeedin doona madaxweynaha dalka oo ka hadli doona arimaha siyaasadeed ee Soomaaliya wajahayso oo ay ugu horeeyaan khilaafka doorashooyinka dalka iyo tan gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed