War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maanta digniin adag ka soo saartay dad ay ku eedeysay inay hurinayaan colaad iyo isku dhac u dhexeeya beelo wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin ficillo khalkhal gelinaya amniga iyo wadajirka bulshada.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay walaac ka muujinayso dhaq-dhaqaaqyada lagu hurinayo xiisadaha u dhexeeya bulshada deegaanka oo muddo dheer wada deggeneyd, isla markaana wadaaga xiriir bulsho, dhaqan iyo dano guud. Waxay xustay in fal kasta oo horseedi kara kala fogaansho, nacayb ama isku dhac uu halis ku yahay nabadda, wadajirka bulshada iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta dalka.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa si adag uga digtay shaqsiyaadka, kooxaha iyo cid kasta oo ku lug leh faafinta hadallada naceybka, wararka marin-habaabinta ah, abaabulka colaadaha ama fal kasta oo sii hurin kara xaaladda.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kooxaha Alshabaab iyo waxay ugu yeertay qaswadeyaasha ay isku dayi karaan inay ka faa’iideystaan xaaladaha nugul si ay u fuliyaan ajandayaal wax u dhimaya amniga, xasilloonida bulshada iyo dowladnimada.
Wasaaraddu waxay fartay hay’adaha amniga iyo kuwa fulinta sharciga inay xoojiyaan tallaabooyinka ka hortagga ah, si dhowna ula socdaan xaaladda, isla markaana si sharciga waafaqsan tallaabo uga qaadaan cid kasta oo ku lug yeelata hurinta colaadaha, kicinta shacabka ama falalka khalkhal gelinaya amniga iyo kala dambeynta.
Ugu dambeyn, Wasaaradda ayaa ugu baaqday maamullada heerarka kala duwan, odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada, bulshada rayidka ah iyo guud ahaan waxgaradka Soomaaliya inay hormuud ka noqdaan dejinta xiisadda, xoojinta wada hadalka iyo is-afgaradka bulshada.
HBN ONLINE TV

