Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday qorshe lagu billaabayo, diiwaan-galinta masaajidda, dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah iyo shaqaalaha ka howlgala goobaha waxbarashada diinta.
Sida ay sheegtay Wasaaradu, Wasiir Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ayaa faray in si degdeg ah loo bilaabo diiwaangelinta dhammaan masaajidda, dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah, imaamyada, mu’adimiinta iyo macallimiinta Qur’aanka ee dalka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in marka la soo gabagabeeyo diiwaangelinta la diyaarin doono tababbarro kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha imaamyada masaajidda iyo macallimiinta dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee la diiwaangeliyey.
Qorshahan ayaa qayb ka ah sida ay sheegtay dadaallo Wasaaradda Awqaafta ay ku doonayso inay ku diiwaangeliso goobaha waxbarashada diinta iyo howl-wadeennada ka shaqeeya, isla markaana lagu horumariyo tayada waxbarashada iyo adeegyada diimeed ee dalka.
HBN ONLINE TV

