Xukuumadda Puntland iyo ganacsatada wax kala soo dega Dekedda weyn ee magaalada Boosaaso ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in heshiis ka gaareen khilaafkii ka taagnaa khidmadaha adeegyada dekedda, kaddib wada-hadallo socday maalmihii la soo dhaafay.
Guddiga Rugta Ganacsatada Puntland ayaa xaqiijiyey in heshiiska lagu soo afjaray khilaafkii u dhexeeyay ganacsatada, Wasaaradda Ganacsiga iyo shirkadda DP World ee la xiriiray khidmadaha adeegyada Dekedda Boosaaso oo si xad dhaaf canshuurta u kordhiyey.
“Waxaa soo dhammaaday khilaafkii ganacsatada iyo wasaaradda ka dhexeeyey, howshiina waa la dhameeyey. Anigoo ku hadlaya magaca Rugta Ganacsiga iyo ganacsatada Puntland, waxaan caddeynayaa in khilaaf dambe uusan jirin, isla markaana heshiis buuxa la gaaray,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeeenka rugta ganasatada Puntland Maxamed Cabdi Waaberi oo warbaahinta la hadlay.
Sidoo kale, Wasiirka Ganacsiga Puntland, Axmed Shire Siciid, ayaa xaqiijiyay in heshiis buuxa ay gaareen labada dhinac, islamarkaana la xaliyay dhammaan qodobadii ay ku kala aragti duwanaayeen.
Heshiiskan ayaa la filayaa inuu dib u dardargeliyo dhaqdhaqaaqii ganacsi ee Dekedda Boosaaso, kaddib hakad uu sababay muranka ka dhashay khidmadaha adeegyada dekedda oo canshuurtii hore ee laga qaadi jiray shan goor la jibbaaray.
Sida xogaha la helay ay muujinayaan, markab sida 9,500 metric ton ayaa canshuurta la kordhin rabay dhigaysay in laga qaado 102,840 doollar, halka markii hore la bixin jiray 20,475 doollar, taas oo ka dhigan koror ka badan 400%.
Ilo madaxbaan ayaa sheegaya in xukuumadda Puntland qiima-dhimis ku samaysay khidmadda dekedda oo ahayd $8 doollar, halka hadda laga dhgay $5 doollar, waxa kale oo la xusay in maamulku dhimayo cashuuraha alaabaha quutul-daruuriga.
Dekedda Boosaaso ayaa ah halbowlaha ganacsiga Puntland iyo mid ka mid ah dekedaha ugu muhiimsan Soomaaliya, waxaana laga digayaa in haddii hakadkan uu sii socdo uu saameyn weyn ku yeesho silsiladaha sahayda, ganacsiga iyo nolosha shacabka ku tiirsan dekedda.
HBN ONLINE TV

