Kadib kulan degdeg ah oo maanta ay yeesheen Golaha Wakiillada maamulka Waqooyi Bari Soomaaliyaa ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Fahiima Yuusuf Quuje oo ka mid ahayd baarlamaanka, kadib eedeyn uga timid sida la tilmaamay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulka.
Xil ka qaadistan oo ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen 56 Xildhibaan ayaa lagu sheegay inuu ka dambeeyey, markii Fahiima lagu soo eedeeyey sida hadalka loo dhigay “Dambi Qiyaana Qaran”.
Fahiima Yuusuf Quuje oo kamid ahayd baarlamaanka maamulka ayaa sheegtay inay ka tanaasushay ka mid ahaanshiyaha Waqooyi Bari, waxaana Galinkii dambe ee shalay oo Jimco ahayd ay warbaahinta u sheegtay in ay ka laabatay go’aamadii hore iyo qadiyadeedii taageero.
Xildhibanadaan oo iyadu markii hore is casishay ayaa waxay ka mid ahayd dadkii kaalinta ku lahaa in xukuumaddii hore ee Somaliland ay isaga baxdo gobolka, taasina ay sababtay in maamul cusub ee Waqooyi Bari halkaas laga yagleelo, aqoonsine ka helo Dowladda Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

