Khilaaf & diidmo ka dhalatay kala diris lagu sameeyey xubnihii Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo bedelkooda la shaaciyey

Iyada oo maanta Golaha Wasiirrada Soomaaliya ku dhawaaqeen in la kala diray Guddigii Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, una magacaabeen  Guddoomiye Ku-meelgaarka ah ayaa waxaa arintaas ka hor isla hoggaanka golaha ee la kala diray.

Rugta Ganacsiga ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saartay magacaabista maanta Golaha Wasiirrada waxay ku tilmaantay mid sharci-darro ah sida hadalka u dhigtay oo aan waafaqsaneyn xeerarka iyo habraacyada lagu maamulo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Bayaankaa ka soo baxay Rugta Ganacsiga Xafiisyada oo loo gudbiyey xafiisyada Wasaarada Ganacsiga, Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in go’aankii Maanta ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada, kuna magacaabeen Gudoomiye ku meel gaar ah uu Xadgudub ku yahay dhamaan sharciyada ay ku taagan tahay Rugta Ganacsiga iyo qaab hoowleedka kala dhaxeeya Caalamka. Waxay tilmaamay in Maamulka iyo Gudoomiyaha rugta ganacsiga ay ku yimadaan hab doorasho oo ay u madaxbanaan yihiin Ganacsatada iyo Rugaha Ganacsatada dalka.

“Magacaabid Doowladeed kuma imaan karo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, waa inuu marwalba ku yimaad Doorasho ay u madaxbanaan yihiin Ganacsatada iyo Rugaha Ganacsiga” ayaa lagu yiri warka rugta ganacsiga.

Waxaa isla bayaanka la sii raaciyey “Ma aqballayno magacaabid Maamul iyo Gudoomiye aysan Rugta Ganacsiga/Private Sector aysan dooran, loomana qaban karo Doorasho aysan Ganacsatadu/Private Sector ayagu qabsan”.

Sidoo kale, warka ka soo baxay maamulka Rugta Ganacsiga ayaa lagu sheegay inay matalaan Ganacsiga & Ganacsatada, iyada oo xubin ka ah Dallada Bulshada Rayidka oo xataa ay Gudoomiye ka soo noqdeen, ayna sii ahaan doonin sida hadalka loo dhigay qaabkii “Kacaankii” ahayd.

“Rugta Ganacsigu ma ahaan karto sidii ay ahaan jirtay Xiligii Kacaanka. Ganacsigu waa madaxbanaan yahay. Rugta Ganacsigana waxaa soo doorta Ganacsatada Dalka oo dhan markaas. Bulshada Rayidku ayagaa is Doorta, kadib ayay wadashaqayn kalla dhaxaysaa Dowlada iyo Caalamka” ayaa lagu sii yiri warka.

Khilaafkan culus ayaa soo shaac baxay, kaddib soo-jeedin ay Golaha u gudbisay Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya oo ay ku dalbatay in guddoomiye ku meelgaar ah loo magacaabo xarunta rugta ganacsiga looga dhigo Yaasiin Maxamuud Cibaar, kaasi oo shirka lagu ansixiyey.

Golaha Wasiirrada ayaa Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah u xil saaray inuu muddo laba sano gudahood ah diyaariyo habraaca doorashada, isla markaana hoggaamiyo dhismaha guddiga cusub ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed