Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inay gaareen inay garabyada mucaaradka la gaartay is-afgarad ku saabsan in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, kadib wada-hadallo siyaasadeed oo xasaasi ah oo ay dhinacyadu yeesheen, ayna garwadeen ka ahaayeen beesha caalamka.
Sida ay sheegtay Dowladda Federaalka, waxay tilmaantay in mucaaradka ay isku raaceen in loo gudbo nidaam doorasho oo toos ah, kuna saleysan axsaab siyaasadeed, si loogu beddelo hannaankii doorashooyinka dadbanaa ee dalka looga dhaqmi jiray sanadihii la soo dhaafay.
Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa sheegay in isla qaatay Mucaaradka in laga shaqeeyo hannaan sharciyeed oo waafaqsan doorasho dadweyne, iyada oo tabashooyinka jira lagu xalin karo inta lagu jiro muddo xileedka Dowladda.
“Maanta waxaa jira in dhammaan dhinacyadu Siyaasaddu ay kuwada qanceen in dalka loo gudbiyo doorasho qof iyo cod ah. Waxaa kaliya ee lagu kala aragti duwan yahay waa arrimo lagu dhamayn karo wadahadal inta lagu jiro muddo xileedka Dowladda” ayuu yiri wasiir Cali Xoosh .
Wuxuu ku dooday in hanaanka hadda la isla qaatay uu dhigayo in talada Shacabka wax laga siiyo, si doorka go’aamin ay wax ka gaaraan doorashooyinka soo socda.
“Talada dalka waxaa loo celin doonaa Shacabka, waxaana door weyn yeelan doona dhalinyarada, Haweenka iyaga ayaana go’aamin doona jihada siyaasadeed & Mustaqbalka Soomaaliya” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, dhinacyada kale ee Mucaaradka ayaan weli shaacin nuuca doorasho ee ay Dowladda la galeen, inkastoo Golaha Mustaqbalka uu taageersan yahay qabashada doorasho dadweyne.
Goluhu wuxuu horay u soo jeediyey in la hirgeliyo waxa uu ugu yeeray “doorasho qofaysan”, isla markaana la dhiso guddi doorasho oo laba heer ah, kaas oo ay si wadajir ah uga qayb qaadanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in qodobada weli laga doodayo ay ka mid yihiin tirada goobaha codbixinta laga qabanayo, qaabka loo ilaalinayo nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5 inta lagu jiro marxaladda kala-guurka, iyo arrimo farsamo oo la xiriira hirgelinta doorashada.
Wada-hadalladan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis siyaasadeed oo ballaaran, kaas oo saldhig u noqon doona hannaanka doorashooyinka Soomaaliya. Horumarkan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka uu isu diyaarinayo go’aanno muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo hirgelinta doorashooyin toos ah.
Inkasta oo ay weli jiraan kala aragti duwanaansho ku saabsan qaabka loo dhisayo guddiga doorashada iyo habraacyada lagu maamulayo doorashada, haddana xogaha la helayo waxay muujinayaan in inta badan dhinacyada siyaasadeed ay isku raacsan yihiin muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay u gudubto doorasho qof iyo cod.
HBN ONLINE TV

