Faahfaahin: Ciidamada dowladda oo Alshabaab kala wareegay Istiraatiiji ah Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada xoogaga dalka, gaar ahaan qeybta 27-aad, ay maanta howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen deegaan Istiraatiiji oo ku yaalla aag xasaasi ay kooxda Alshabaab kaga qabsadeen.

War saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Xoogga ayaa lagu sheegay in iska caabin kadib ay ciidamada dhulka ee xoogga Soomaaliya si buuxda gacanta ugu dhigeenka WaabWeyn oo ku yaalla waddada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa la tilmaamay in lagu beegsaday fariisimo ay kooxda Alshabaab ku sugnaayeen, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku guuleysteen sida bayaan lagu xaqiijiyey “inay soo afjaraan”, isla markaana si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta Waabweyn.

“Ciidanka ayaa weli sii wada howlgallada lagu xaqiijinayo amniga deegaanka, iyadoo sidoo kale la baacsanayo xubnihii ka firxaday kooxda Khawaarijta” ayaa lagu yiri warka taliska ciidamada xoogga dalka.

Deegaanka ayaa waxaa qiyaastii 40 ilaa 60km ka xigaa degmada Maxaas dhanka galbeedka, waana aag muhiim u ah isku socodka iyo amniga gobolka. Waabweyn waxay inta badan udub-dhexaad u tahay dhaqdhaqaaqyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka (Macawiisleyda) ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Sidoo kale, Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka billaabay gobollada Hirshabeelle iyo Galmudug guluf ciidan oo ballaaran oo ka dhan ah Alshabaab, iyadoo isla markaana ay socdaan abaabulo ciidan oo lagu xoojinayo howlgallada.

Dagaallada ka dhanka ah Alshabaab ayaa kordhay maalmihii la soo dhaafay, iyada oo saacadihii la soo dhaafay la soo wariyey howlgallo ka dhacay Shabeellaha hoose in lagu dilay ku dhawaad 10 xubnood, halka bishaan Luulyo ay noqdeen kuwo si xowli ah ku socda dagaallada iyo duqeymaha lagu hayo kooxda. Ilaa hadda inta la xaqiijiyey waxay kor u dhaafayaan 130 xubnood oo ay ku jiraan horgooyaal sare.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 1-dii bishan sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe cusub oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda, kaas oo uu tilmaamay inuu ka duwan yahay isla markaana ka xooggan yahay howlgalladii hore.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed