Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo dalal kale oo caalamka ah ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Amiirkii hore ee Dowladda Qatar, Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani. War-saxaafadeed kooban oo ay soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tacsi tiiraanyo leh u diray Dowladda iyo shacabka Qatar, gaar ahaan Amiirka dalka, Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani, oo uu aabbe u ahaa marxuumka.
Madaxtooyadu waxay bayaankeeda ku ammaantay kaalintii uu Sheekh Hamad ka qaatay horumarinta Qatar iyo taageeradii uu u fidiyay dalal badan, iyada oo Alle uga barisay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo shacabka Qatarna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Sidoo kale, madax iyo dowlado kala duwan oo caalamka ah ayaa diray farriimo tacsi ah, waxaana la filayaa in mas’uuliyiin badan ay gaaraan Doha si ay uga qaybgalaan aaska marxuumka.
Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani ayaa hoggaaminayay Qatar intii u dhexeysay sannadihii 1995 ilaa 2013, waxaana lagu xusuustaa inuu hormuud u ahaa isbeddelladii waaweynaa ee dalkaas ka hirgalay.
Sannadkii 2013 ayuu si rasmi ah xilka ugu wareejiyay wiilkiisa, Amiirka hadda talada haya, Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani.
Dhanka kale, Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday 4 maalmood oo baroor-diiq qaran ah, iyadoo la filayo inay dalka gaaraan madax iyo wafdiyo caalami ah oo u imanaya ka qaybgalka aaska iyo gudashada tacsida.
HBN ONLINE TV

