Guddoomiyihii Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa maanta si rasmi ah isaga casilay xilkii uu hayay, kaddib muddo 22 sano ah oo uu hoggaaminayay golahaasi. Saleebaan ayaa iscasilaaddiisa ku dhawaaqay intii uu socday fadhi xasaasi ahaa oo uu Golaha Guurtidu maanta isugu yimid, isagoo si iskiis ah u banneeyay jagada guddoomiyenimada.
“Waxaan idinka codsanayaa inaad i fasaxdaan oo aad isii daysaan—Istiqaaladaydana waa saxiixayaa,” ayuu xubnaha Golaha Guurtida u sheegay Saleebaan Maxamuud.
Xubnaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa cod aqlabiyad leh ku aqbalay iscasilaadda guddoomiyaha, taas oo soo afjartay hoggaankiisii golaha oo billowday sanadkii 2004, markaas oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Guurtida.
Dhanka kale, Golaha Guurtida Somaliland ayaa isla maanta guddoomiye cusub u doortay Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, kaas oo si rasmi ah ula wareegi doona hoggaanka golaha, isagoo beddelaya Saleebaan Maxamuud.
Isbeddelkan ayaa ka dhigan mid ka mid ah isbeddellada ugu waaweyn ee ka dhacay hoggaanka Golaha Guurtida Somaliland tan iyo markii Saleebaan Maxamuud Aadan loo doortay xilkaasi in ka badan labaatan sano ka hor.
HBN ONLINE TV

