Soomaaliya oo billaabeysa bixinta iyo hirgalinta baasaboor casri ah oo wata  sharuudo cusub 

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in Soomaaliya ay bisha Oktoobar 2026 bilaabi doonto bixinta baasaboor cusub oo casri ah ee dalka. Isagoo ka warbixin arimahan ku aadan bixinayey Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa sheegay in baasaboorka cusub uu noqon doono dukumenti safar oo jiilka saddexaad ah, kaas oo leh astaamo amni oo horumarsan, isla markaana waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Waxa uu sheegay in isbeddelladan lagu doonayo in lagu xoojiyo kalsoonida lagu qabo baasaboorka Soomaaliya, isla markaana kor loogu qaado aqoonsigiisa caalamiga ah sida dukumenti rasmi ah oo lagu safro.

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa sheegay in baasaboorka cusub lagu xiri doono nidaamka Kaarka Aqoonsiga Qaranka (National ID), iyadoo xogta aqoonsiga muwaadinka lagu dari doono bogga xogta baasaboorka.

“Bisha Oktoobar waxaan yeelan doonnaa baasaboor cusub oo casri ah, waxaana lagama maarmaan noqon doonta in Kaarka Aqoonsiga Qaranka uu qayb ka noqdo nidaamka lagu bixiyo baasaboorka,” ayuu yiri Xuseen Qaasim.

Waxa uu xusay in 2-da bilood ee soo socda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay xoogga saari doonto isku xirka adeegyada baasaboorka iyo nidaamka Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Sida uu sheegay, qorshahan ayaa loogu talagalay in muwaadiniinta loogu diyaariyo beddelka baasaboorrada marka nidaamka cusub si rasmi ah loo hirgeliyo.

Dhamaadka bishii hore ee Juun, Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa ku dhawaaqay 30-kii bishaas in 1-da Luulyo 2026, looga baahnaa doono qof kasta oo codsanaya baasaboorka Soomaaliya nuuc walba in laga doonayo inuu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka, halka ay isku raaceen in laga bilaabo 1-da bisha Oktoobar ay qasab noqon doonto in muwaadin kasta oo ku safraya gudaha dalka uu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka si loo xaqiijiyo socdaalkiisa. Inta ka horreysa waqtigaas, dadka ku safraya gudaha dalka waxaa si ikhtiyaari ah loo weydiin doonaa aqoonsigooda qaranka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed