Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay dhamadka todobaadka hore duqeyn cirka ah la beegsadeen fariisimo kooxda Alshabaab lahaayeen oo ku yaalla deegaano ka mid ah maamulka Jubbaland.
War-saxaafadeed ay soo saaray AFRICOM maalinnimadii shalay ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay ka dhacday aag qiyaastii 90 kiiloomitir waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.
“AFRICOM, iyadoo kaashanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxay sii waddaa tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda Alshabaab ee ay ku halis gelin karto ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniintiisa ku sugan dibadda,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale, talisku ma uusan bixin tirada khasaaraha ka dhashay duqeynta, balse Soomaaliya ayaa muddo dheer wajahaysay xaalado amni darro, iyadoo Alshabaab weli loogu aqoonsan yahay khataraha ugu waaweyn ee soo wajaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada amniga.
HBN ONLINE TV

