Baydhabo oo la adkeeyay amnigeeda oo ay ku sii qulqulayaan wafuudii ugu badneyd, iyada oo lagu wado inuu gaaro madaxweyne Xasan Sheekh

Magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa gashay diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee munaasabadda caleemo-saarka hoggaamiyaha cusub Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyadoo si weyn loo adkeeyay amniga magaalada iyo goobaha muhiimka ah.

Munaasabadda caleemo-saarka oo lagu wado inay qabsoonto maalinta Isniinta, 6-da bsihaan Luulyo, ayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, madax ka socota dowlad-goboleedyada dalka oo hadda qaar kamid ah gaareen iyo wakiillo ka socda beesha caalamka.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya, oo ay qeyb ka yihiin saraakiil amni, ilaalada madaxtooyada iyo masuuliyiin kale, ay gaareen magaalada si ay u diyaariyaan amniga iyo qabanqaabada booqashada Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha maamullada Hirshabeelle Cali Xuseen Guudlaawe iyo Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa weyn loogu dhaweeyey magaalada Baydahabo, waxaana xubnaha kale ee gaaray ka mid ah Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

ciidamada ammaanka ayaa sare u qaaday feejignaanta magaalada, iyagoo adkeeyay ilaalinta xarumaha dowladda, waddooyinka waaweyn iyo goobta lagu qabanayo munaasabadda, si loo xaqiijiyo amniga madaxda iyo martida ka qeyb geli doonta caleemo-saarka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed