Maamulka Puntland oo digniin u dirtay dad ay ku tilmaantay “xasarad-abuur” jooga deeganadeeda

Xukuumadda Maamulka Puntland ayaa sheegay in deegaannadooda ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo lagu tilmaamay kuwo bulshada lagu dhex faafinayo qalalaase iyo colaad aan jirin oo gobolka ka socda, iyada oo ka dalbatay inay ka waantoobaan falalkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Farxaan Cali Xirsi, ayaa fariin u diyrayey shacabka ku sheegay in dhammaan degmooyinka iyo gobollada Puntland ay ka jirto xasillooni, isagoo ugu baaqay shaqsiyaad uu uu ku eedeeyay waditaanka fowdo iyo hurinta hadalo qaldan oo aan xaqiiqo ahayn inay ka digtoonaadaan.

Sidoo kale, Farxaan Cali ayaa shacabka ugu baaqay in laga fogaado wax kasta oo horseedi kara xasarad iyo kala fogaansho bulsho, isagoo xusay in Puntland ay sii wadi doonto ilaalinta nabadda iyo amniga deegaannadeeda.

“Puntland iyo shacabkeedu raalli kama noqon doonaan wax amnigooda wax u dhimaya” ayuu yiri wasiir Faarax, isaga oo hoosta ka xariiqay in aysan aqbali doonin wax kasta oo ka hor imaanaya xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada.

Hadalkan wuxuu imaanayaa iyada oo Xiisadda u dhaxaysa Puntland iyo Dowladda Federaalka ay sii xoogeysatay maalmihii la soo dhaafay, kadib hadallo adag oo ay is dhaafsadeen mas’uuliyiinta labada dhinac. Puntland ayaa dowladda dhexe ku eedeysay inay hub iyo ciidamo u daabulayso deegaannadeeda, halka ay sheegtay inay qaaday tallaabooyin lagu ilaalinayo amniga maamulka.

Puntland waxay dhawaan mamnuucday dhaqdhaqaaqa siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ee deegaannadeeda, iyadoo sidoo kale ka digtay in aan laga qorin ciidamo cusub ama aan laga sameyn dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aan oggolaansho haysan deegaanaddaeeda. Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo la doonayo in lagu yareeyo xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed