Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay heshiisyadii ay xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro la gashay Israa’iil, waxaana Xisbiga Kaah uu si cad uga horyimid qaar ka mid ah qodobada heshiisyadaas, halka xisbiga Kulmiye uu taageeray siyaasadda ay xukuumaddu ku wajahday xiriirka Israa’iil iyo dadaallada lagu raadinayo aqoonsiga Somaliland.
Kaah ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in aanu marnaba aqbali doonin in arrimaha la xiriira raadinta aqoonsiga Somaliland lagu qariyo ama laga dulmariyo qodobo uu ku tilmaamay kuwo masiiri ah. Xisbiga ayaa ku baaqay in xukuumaddu si buuxda u soo bandhigto heshiisyadii ay la gashay Israa’iil, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga, ciidamada, beeraha iyo iskaashiga dhaqaale. Waxa kale oo uu sheegay in furitaanka safaaradda Somaliland ee magaalada Quddus ay taabanayso qaddiyad diimeed, maadaama dunida Islaamku u aqoonsan tahay Quddus caasimadda Falastiin.
“Xisbiga kaah waxaanu marnaba aqbalaynin hoostana ka xariiqayaa in arimaha aqoonsi raadinta la dulsaaro oo lagu dulqariyo arimaha masiiriga ah ee Somaliland. Madaxweynaha waxaa looga fadhiyaa heshiisyaduu soo galay oo dhamaystiran—isla markaane aan ku koobneyn heshiisyo qodobo ah oo kooban” ” ayuu yiri Xisbiga Kaah.
Kaah ayaa carrabaabay in dhowr jeer oo hore ay Madaxweynaha Somaliland kala hadleen muhiimadda ay leedahay in lagala tashado daneeyayaasha siyaasadda ka hor inta aan la gelin heshiisyo noocan oo kale ah, hase yeeshee Xukuumaddu u sheegtay in aanay jirin heshiisyo diyaar ah, balse markii dambe safar ugu baxay Cirro Israa’iil, halkaas oo uu kula soo galay heshiisyo aan weli si rasmi ah loo shaacin faahfaahintooda oo mugd ku jiro.
“Xisbiga Kaah Madaxweynaha Somaliland wuxuu kala hadlay in heshiisyada la galayo iyo xiriirada intii ka qusaysa laga talo galiyo daneeyasha siyaasiga ah ee Somaliland, hase ahaatee madaxweynuhu Wuxuu xisbiga Kaah u sheegay in aanu jirin heshiis iminka diyaar ah—taa bedelkeedane waxaa lagu baraarugay inuu safar ugu baxay, isla markaane heshiisyo ku kooban Xukuumadda uu soo galay” ayaa la sii raaciyey.
Dhanka kale, xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Somaliland, ayaa muujiyay taageerada uu u hayo siyaasadda ay xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku wajahday xiriirka Israa’iil, isaga oo Aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed oo taariikhi ah. Xisbigu wuxuu sheegay inuu garab-taagan yahay jiritaanka Somaliland marka ay timaaddo arrimaha masiiriga ah iyo dadaallada lagu raadinayo aqoonsiga.
Dad badan ayaa u aqoonsan heshiisyada xukuumadda Somaliland la soo gashay Israa’iil kuwo qarsoodi ahaa, maadama an wax faahfaahin ah laga heyn, ayna sababi karaan jaha wareer siyaasadeed oo dhexda u gaka siyaasaddaha isdiidan ee gobolka.
HBN ONLINE TV

