Maxay tahay fariinta madaxweyne Cirro u diray Garsoorka Somaliland?

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo maanta magaalada Hargeysa ka furay Shir Garsoorka Somaliland lahaayeen ayaa ballanqaaday in xukuumaddiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso hannaan garsoor oo madax-bannaan, hufan isla markaana dhexdhexaad ah, kadib makrii uu sheegay in xiliyada soo aadan la filayo in deeganadooda yimaadaan maagashadayaal shisheeye. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay garsoor la isku halayn karo uu laf-dhabar u yahay xasilloonida, iyo horumarka dalka.

Isagoo la hadlayay garsoorayaal, xeer-ilaaliyeyaal, qareenno, mudanayaal ka tirsan golayaasha sharci-dejinta iyo wakiillo ka socday saaxiibbada caalamiga ah, ayuu Madaxweynaha ku baaqay in la dardargeliyo dib-u-habeynta garsoorka si kor loogu qaado hufnaanta, tayada iyo kalsoonida lagu qabo hay’adaha caddaaladda.

Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay haatan martigelinayso booqdayaal iyo maalgashadeyaal, kuwaas oo si dhow u eegaya hufnaanta garsoorka iyo heerka caddaaladda ka hor inta aysan go’aan ka gaarin maalgashiga ay dalka ku sameynayaan. Wuxuu xusay in kalsoonida maalgashadayaashu ku qabaan nidaamka garsoorka iyo sharciyada ay door muhiim ah ka qaadan doonto kobcinta maalgashiga. Wuxuu ku adkeeyey in la adkeeyo amniga si dadka u helaan amaan.

Cirro wuxuu carrabka ku adkeeyay in xoojinta hay’adaha garsoorka iyo tayeynta adeegyada caddaaladdu ay muhiim u yihiin dhisidda kalsoonida beesha caalamka iyo soo jiidashada maalgashi wax-soo-saar leh oo baaxad weyn, kaas oo gacan ka geysan kara horumarka dhaqaale ee Somaliland.

“Waxaa inagu soo socda dad badan oo doonaya inay na maalgashadaan Somaliland, dadkaa imanaya meelahay inaga eegayaan waxaa kow ka ah nidaamkeena garsoorka & cadaaladda—marka qofku hadduu ku kalsoonaa waayo in la dhacayo ama aanu helayn difaac ma imaanayo. Amnigane waa in aanu xoojinaa” ayuu yiri madaxweyne Cirro.

Hadalkiisa wuxuu imaanayaa isaga oo dhamaadka todobaadkii hore uu ka soo laabtay Israa’iil, kadib booqasho uu ku joogay muddo 10 cisho ah, uuna la soo galay heshiisyo la xiriira amniga, ciidamada, beeraha iyo iskaashiga dhaqaale.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed